Xog hoose:Al shabaab oo qorsheynaya weerar la mid ah kii Westgate inay ku qaadaan Muqdisho gaar ahaan labo meel midood..(AKHRISO)

Xog hoose:Al shabaab oo qorsheynaya weerar la mid ah kii Westgate inay ku qaadaan Muqdisho gaar ahaan labo meel midood..(AKHRISO)

daajis.com:-Ilo lagu kalsoon yahay ayaa usheegay daajis in habeenadii dambe feejignaan badan la geliyey ciidamada Qaranka Somaliya si looga hortago xog la helay oo Al shabaab ay doonayaan weeraro culus inay soo qaadaan.

Labo meelood ayaa leerka cagaaran ka daaran yahay ama ay maleynayaan Ciidamada nabad Sugida Qaranku inay ku wajahan yihiin Shabaabka kuwaasi oo kala ah:-

-Xarunta Madaxtooyada Villa Somaliya
-Xarunta Nabad Sugida Habar Khadiijo

Hadii ay shabaabku galaan labadaasi xarun midood ayaana laga cabsi qabaa inay uga dhex dagaalamaan sidii Xaruntii Ganacsi ee Westgate Mall ee magaalada Nairobi.

Ahmiyada ugu weyn ayey siinayaan weerar ay ku qaadaan Xarunta Nabad Sugida Habar Khadiijo oo ay ku doonayaan si xoog ah inay ula baxaan Shiikh Xasan Daahir Aweys oo halkaasi ku xiran.
Warar kale ayaa sheegaya in Hadii ay usuurta gasho Madaxtooyada inay uga faa’iideysan karaan Xudunta Dawlada inay shanta Farood ku dhigeen maadama ay halkaasi wada deggan yihiin seddexda Mas’uul ee ugu sareysa Dalka Somaliya iyo Qaar kamid ah golaha Wasiirada Xukuumada iyo Xildhibaanada qaar.
Ciidamada Dharka cad iyo kuwa Hubkooda muuqdo ee Booliska iyo Meliteriga ayaa habeenadaan dambe il gooni ah uleh dhaq dhaqaaqa Xarunta Madaxtooyada Villa Somaliya,lagana Cabsi qabo Shabaab weerar ay soo qaadaan.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada