Gabdho Soomaaliyeed oo lala xariirinayo Al-Shabaab oo gacanta lagu soo dhigay lana shaaciyay Magacyadooda

Gabdho Soomaaliyeed oo lala xariirinayo Al-Shabaab oo gacanta lagu soo dhigay lana shaaciyay Magacyadooda

daajis.com:-Booliika Dalka Kenya ayaa shaaciyay in ay gacanta kusoo dhigeen sadax qof oo Soomaali ah kuwaa oo lala xariirinayo Dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab .
Sadaxdan qof ee Booliiska Kenya gacanta kusoo dhigeen ayaa labo kamid ah waxa ay yihiin Gabdho Soomaali ah kuwaa oo sida ay Booliisku sheegeen laga soo qabtay Deegaan lagu magacaabo Kitale oo kuyaala Waqooyi Galbeed Dalka Kenya.

Linus Owango oo ah Sargaal katirsan Booliiska Dalka Kenya ayaa sheegay in sadaxdan Qof ee Soomaalida ah lala xariirinayo Al-Shabaab labo kamid ahna ay yihiin haween iminkana lagu wado baaritaano dheeraad ah.

Booliiska Kenya ayaa shaaciyay Magacyada Sadaxdan qof ee Soomaalida ee loo heesto in xariir kala dhaxeeyo ama katirsan yihiin Al-Shabaab kuwaa oo magacyadooda lagu sheegay Faatuma Shire, Farxiya Mohammed iyo Mahad Xalane.

Dadkan ay xireen Ciidanka Booliiska Dalka Kenya ayaa la sheegay in ay soo wargaliyeen Dadka deegaanka oo ka shakiyay Xubnahan la xiray ee lala xariirinayo Dagaalyahanada Al-Shabaab.

tan iyo waxii ka dambeeyay markii uu dhacay Weerarkii Westgate Mall Dowlada Kenya ayaa gudaha Dalkeeda ka bilowday howlgalo culus ay ku beegsanayso dadka ay uga shakisan yihiin in xariir kala dhaxeeyo Al-Shabaab .
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:18 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada