Duliyayaasha ugu badan ee ku dul-hurdo Diyaaradaha oo la sheegay Dalka ay kasoo jeedan (Daawo sawiradda)

Duliyayaasha ugu badan ee ku dul-hurdo Diyaaradaha oo la sheegay Dalka ay kasoo jeedan (Daawo sawiradda)

daajis.com:-Ra’yi aruurin uu sameeyay Midowga Duuliyayaasha Shirkadaha Diyaaradaha ee Ingariiska ayaa lagu ogaaday in Tiro ka badan Kala bar Duuliyayaasha Dalkaas ay ku dul hurdaan Isteerinka ama Aaladda laga wado Diyaaradda Waxaase kasii daran in Saddex Meelood Duuliyayaashaas marka ay Hurdada kasoo kacaan ay arkaan Duuliyihii kale ee caawinayay oo isaguna hurdaya. 

Midowga Duuliyayaasha Britain ayaa sheegay in Ra’yi aruurintan ay xoojinayso Warar sheegaya in Xeerarka Midowga Yurub uu u dajiyay Waqtiga Socdaalada Hawada,
kaas oo dhawaan Baarlamanka Midowgu uu u codeyn doono uu yahay mid hoos u dhigayay Hal beegyada Nabad-galiyada ee Britain.

Xeerarkan cusub ayaa Duuliyayaasha Xilliga ay soo jeedaan uu gaarayo 22 Saacadood ama ka badan wuxuu u ogolaanayaa inay Diyaaradda dajiyaan, sida lagasoo xigtay Midowga Duuliyayaasha Shirkadaha Duulimaadka ee UK.

Waxay tani noqonaysaa baa la yiri inay sii kordhiso Heerka Daalka oo keen I karta inuu Qofku dhaafo intii loo ogolaa inuu cabo Cabitaanada Maanka dooriya si uu Duulista Diyaaradda usii wato.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com





Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:15 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada