Obama iyo Congress-ka oo aan Weli Heshiin sebebtu maxey tahey??

Obama iyo Congress-ka oo aan Weli Heshiin sebebtu maxey tahey??

daajis.com:-Madaxweyne Obama iyo Hoggaamiyayaasha Congresska ayaa isku afgaran waayay kulan ka dhacay aqalka cad, kaasi oo la rabay in xal loogu helo hakadka ku yimid shaqada dawladda Maraykanka.

Madaxda golayaasha Senatka iyo Aqalka hoose ayaa ka soo baxay Aqalka Cad ka dib markii kulan saacad ah ay la yeesheen madaxweyne Obama, hase ahaate sida ka muuqtay ma jirin wax natiija ah oo ka soo baxday kulankaasi.

Afhayeenka aqalka hoose oo ka soo tirsan xisbiga Jamhuuriga John Boehner ayaa ku eedeeyay madaxweyne Obama inuu ku adkaystay mawqifkiisii hore isla markaana uu diiday wax wada hadal ah.

Laakin waxaa arrintaasi uga jawaabay Hoggaamiyaha  mudanayasha aqlabiyadda senateka ee dimuqraadiga ah Senator Harry Ried, oo sheegay in Jamhuurigu intii kulanku socday ay soo bandhigeen oo kaliya qaab lacag looga dhimayo qorshaha caafimaad ee madawyne Obama, taasi oo aanu madaxweynuhu ogolayn.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:08 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada