Fanaanka caanka ah ee Maxamed Axmed Qoomaal oo xalay wacdaro ka dhigay Magaalada Muqdisho(Daawo Sawirada)

Fanaanka caanka ah ee Maxamed Axmed Qoomaal oo xalay wacdaro ka dhigay Magaalada Muqdisho(Daawo Sawirada)

daajis.com:-Fanaanka caanka ah ee Soomaaliyeed Maxamed Axmed Qoomaal oo mudo sanado ah dalka ka maqnaa ayaa xalay wacdaro ka dhigay xaflad balaaran oo lagu qabtay Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir.

Qoomaal ayaa xalay Bandhig uu soo qaban qaabiyay Gudoomiyaha Degmada Howlwadaag Maxamed Abuukar Cali Jacar oo lagu qabtay Xarunta Degmadaasi ka dhigay wacdaro, iyadoona dadkii kasoo qeyb galay xaflada aad ugu riyaaqeen Bandhiga Qoomaal uu ka qeyb galay.

Fanaanka ayaa soo bandhigay Heeso Cusub oo wadaniyad xumbaarsan uu dhawaan soo saaray , waxaana dadka aad u jecleesteen oo soo jiitay Heesta Xamareey oo ah Hees Cusub uu kaga hadlayo hormarka ay gaartay Magaalada Muqdisho.

Maxamed Axmed Qoomaal ayaa aad aad u raali galiyay shacabkii tirada badnaa ee kasoo qeyb galay munaasabada xalay ka dhacday Degmada Howl Wadaag ee Gobolka Banaasdir.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com











Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada