70 Meyd oo laga soo saaray gunta hoose badda Lampedusa: SAWIRRO +VIDEO

70 Meyd oo laga soo saaray gunta hoose badda Lampedusa: SAWIRRO +VIDEO

daajis.com:- Kooxaha Samata-bixinta ee gurmadka degdeg Talyaaniga ayaa shaaciyay in badda hoosteeda kasoo saareen meydadka Todobaatan qof oo kale oo dheeraad ah, kuwaasoo ka mid ahaa dadkii tahriibayaasha ahaa ee ku dhintay doontii dhawaan ku qaribantay xeebaha biyaha Jasiiradda Lampedusa Khamiistii lasoo dhaafay.


Dadka dhintay ee doontaan saarnaa oo dhamaantood ahaayeen Ttahriibayaal Afrikaan ah oo u badan Soomali iyo Ereteriyaan ayaa tiradooda aheyd Shan Boqol oo qof.

Saraakiisha Talyaaniga ee dhinaca samata-bixinta, ayaa daboolka ka qaaday Meydadka 70-kan qof ee la helay in ay isugeyn ka dhigayso tirada Meydadka la helay 181 qof, halka weli aan la heyn geeri iyo nolol Laba Boqol oo qof oo kale, waxaana nolol lagu soo badbaadiyay 155 qof oo kele.

Hoggaamiyaha diinta Catholic Pope Francis oo ka hadlay mashaqadan ayaa wuxuu ku tilmaamay maalin dhacday masiibo, loona baahan yahay in gurmad laga sameeyo, isagoo tiiraanyo ka diray arintan.


_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:29 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada