Faysal Waraabe “Anigu uma dulqaadan doono inuu maalin walba inan yar iigu hanjabo magaalada Hargeysa(Daawo Muuqaal+Warbixin)

Faysal Waraabe “Anigu uma dulqaadan doono inuu maalin walba inan yar iigu hanjabo magaalada Hargeysa(Daawo Muuqaal+Warbixin)

daajis.com:-Gudoomiyaha xisbiga Mucaadradka ee maamulka Soomaaliland Faysal Cali Waraabe ayaa waxaa uu sheegay inuu yahay qof laan dheere ah oo ka dhashay qabiiil weyn islamrkaana uusan u dulqaadan doonin in loogu hanjabo oo lagu aflagaadeeyo magaalada Hargeysa. 



Gudoomiyaha xisbiga Mucaaradka Soomaaliland Faysal Cali Waraabe oo wareysi dhinacyo badan taabanaayo siiyey wariyaha telefishinka Universal Tv Cabadisalaan Herari ayaa waxaa uu ku hanjabay haddii aan la deyn oo aan wax laga badalin sida wax lagu wado oo uu sheegay inay tahay ku dhaqan qabiil iyo isticmaalkiisa inuu asaga ku dhaqmi doono qabiilka asagoo walibana intaas raaciyey inuu ka dhashay qabiil weyn oo laan dheere ah, Anigu uma dulqaadan doono inuu maalin walba inan yar iigu hanjabo magaalada Hargeysa oo uu i yiraahdo waa khaa'in ayuu yiri Faysal Cali Waraabe oo ay hadalkiisu ka muuqatey caro, Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa waxaa uu ku eedeeyey maamulka ka taliye dowlada Soomaaliland inay tahay mid ku dhaqanta qabiil arintaas oo uuna ku sheegay inay dib u dhigtey horumarkii Soomaaliland. 

Ugu dambeyntiina iyadoo Gudoomiye Faysal Cali Waraabe uu edeyn baaxad weyn uu usoo jeediyey hogaanka maamulka Soomaaliland ayaa waxaa kale oo uu sheegay in maamulka talada haayo uu ku guuldareystey inuu aduunka ka dhaadhiciyo aqoonsiga gooni isu taaga Soomaaliland asagoona sheegay in maanta uu aduunka u haysto inay Soomaaliland ay tahay qeyb ka mid ah dalka Soomaaliya oo ayna Soomaaliland ay ogolaadeen inay ka mid yihiin dowlada Federaalka Soomaaliyeed arintaas oo uu eedeedana uu dusha yga tuurey maamulka ka taliya Soomaaliland . 
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:31 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada