Madaxweynaha Somalia oo kulan Xasaasi ah Madaxtooyada kula qaatay Saraakiisha Milatariga (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha Somalia oo kulan Xasaasi ah Madaxtooyada kula qaatay Saraakiisha Milatariga (Daawo Sawirada)

daajis.com:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Villa Soomaaliya kulan kula-qaatay Sarakiisha Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Kulanka waxaa qayb ka ahaa Wasiiraka Gaashaandhigga C/Xakiim Xaaji (Fiqi) iyo Abaanduulaha Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed General C/Risaaq Khaliif Cilm.

Marka hore Abaanduulaha Ciidamadda Xoogga ayaa warbiixn kooban siiyey Madaweynaha Soomaaliya ka dib ayaa Wasiirka Gaashaandhigga sheegay guulahii ugu dambeyey oo ay Ciidamadda Xoogga Dalka gaareen.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku ammaanay Ciidamadda dadaalada dheeradka ah iyo howlgalladda lagu dabar-goynayo kooxda Al Shabaab” Waxaan aad iyo aad ugu qanacsanahay isbeddelada iyo dardarta Ciidamadda Xoogga iyo waliba sida geesinimada leh ee uu dagaalamyo askariga Soomaaliyeed”ayuu yiri Madaxweynahu.


“ Waxaan hubaa in askariga Soomaaliyeed ee ka adkeysi badan yahay kuwa caalamka kana dulqaad badan yahay dhan walba, marka loo fiiriyo duruufaha ciidankeennu ku jiro, haddana iyadooo sidaa tahay ka xorreynaya dalka Al Shabaab Tusaale ahaan Dhowaan Degmada Mahadaay ayey xorreyeen ciidankeennu waliba iyagoo kooban, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay Saraakiisha iyo Ciidamadda Xooggga dalka inay ilaaliyaan Karaamada Umadda Soomaaliyeed “ haddii aan rabno in aduunka qiimi kulahaano Qarannimaddii Soomaalyeedna si buuxda u soo celino, waxay ku xiran tahay Ciidank, Ciidankuna in uu qiimi lahaadana waxay ku xiran tahay in shacabka la dhowro lagana ilaaliyo kuwa cadowga ku ah”ayuu yiri Madaxweynaha.

“Dowladda waxay go’aan ku gaartay inay muhiimadda Koowaad siiso ciidanka dhanka mushaar bixinta, lacagta Dowladda soo gasho, waxa ugu horeeyo ee laga bixiyanayo waa Mushaarka Ciidanka” ayuu yiri Madaxweynaha.

Ugu dambeyntii Saraakiisha Ciidamadda Xooga Dalka ee kulanka la qaatay Madaxweynaha ayaa ballan qaaday kor u qaadista aqlaaqada Ciidamadda iyo ilaalinta xaqdhowrka shacabka Soomaaliyeed iyo sidoo kale dhammeystirka howagalladda dalka looga xorreynayo Kooxa Al Shabaab.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com







Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:39 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada