Fanaanka caanka Xusseen Shire oo ruxay Muqdisho (SAWIRRO)

Fanaanka caanka Xusseen Shire oo ruxay Muqdisho (SAWIRRO)

daajis.com:-Waxaa Xalay Hotelka City Place ee Magaalada Muqdisho lagu qabtay bandhig lagu soo dhaweenayay Fanaanka Caanka ah ee Soomaaliyeed kana tirsan Kooxda Qeylo Dhaan Xuseen Shire Ciyaar jecel oo dhawaan dalka dib ugu soo laabtay.

Bandhiga faneedkan oo magaciisa uu ahaa qeylo dhaan iyo habeenkii Muqdisho ayaa waxaa ka soo qeyb galay wasiiro ka tirsan xukuumada ,xildhibaano, maamulka gobolka banaadir, siyaasiyiin, fanaaniin iyo qeybaha kala duwan ee bulshadda.

Munaasabadan oo lagu soo dhaweeyay Xuseen Shire Ciyaar jecel oo ka mid ah fanaaniinta dhawaan dalka ku soo laaabtay ayaa inta ay socotay waxaa lagu soo bandhigay suugaan kala duwan oo ka tarjumayay qiimaha nabadda.

Gudoomiyaha gobolka banadir ahna duqa magaaladda Muqdisho Max’ud Axmed nuur “Tarsan” oo bandhiga ka hadlay ayaa sheegay in magaaladda Muqdisho ay nabaddii ku soo laabatay islamarkaana kooxaha qaska wada awoodooda ay wiiqantay.

Xildhibaan Max’ed Cumar Dhalxa oo ka mid mudaniyaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa talaabo horumar leh ku tilmaamay horumarka iyo iftiinka ka muuqdo Muqdisho isagoo ku booriyay fanaaniinta iney hormuud u noqdaan horumarka iyo dowladnimada.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta, Boostadda Isgarsiinta iyo Gaadiidka mudane C/shakuur Cali Mire oo ugu dambeyn kulanka ka hadlay ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay la shqeeyaan laamaha amaanka dalka si gacanta loogu soo dhigo dhagar qabaha doonaya in uu shacabka dhibaateyo.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
















Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:45 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada