Tabliiqa Muqdisho iyo gobolada dalka oo Maskaxda ka qabsaday Shacabka Soomaaliyeed & Al Shabaab oo booskaan iska beer dareeysay (Warbixin)

Tabliiqa Muqdisho iyo gobolada dalka oo Maskaxda ka qabsaday Shacabka Soomaaliyeed & Al Shabaab oo booskaan iska beer dareeysay (Warbixin)

daajis.com:-Culumada ama wadaadada loo yaqaan Tabliiqa ee Diinta Islaamka faafisa ayaa waxa ay soo jiiteen kalsoonida shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho iyo inta badan gobolada dalka. Tabliiqa oo dadka ugu taga goobaha ganacsiga iyo meelaha fadhi ku dirirka la iskugu yimaado ayaa dad badan waxa ay ku soo xireen Masaajidada kuwaas oo ka dhigay Ahlu-Kheyr ku xiran goobaha barakeeysan.

Dhalinyaro badan ayaa ku biirtay culumada Tabliiqa kuwaas oo xiliyadii hore ka soo qeeyb qaatay dagaalo badan oo ahli ah waliba ka dhacay gudaha dalka Soomaaliya. Culumada Tabliiqa dadka ay wacdiyaan wax maal Aduunyo ah ma warsadaan balse kaliya Diinta iyo Kheeyrka Alle ayay ugu yeeraan si xiliyada Salaada loo soo buuxiyo Masaajidada .

Culumo badan oo TABLIIQ ah kana soo jeeda dalalka Pakistaan , Bangaladhesh, Indonesia, Malaysia, Yeman, Neyjeeriya, India iyo Masar ayaa ku sugan magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda kuwaas oo soo jiitay qalbiga Shacabka Muqdisho ka dib marki ay si wanaagsan u wacyi galiyeen Dhalinyaro markii hore aad u dhib badnaa oo dagaalo fara badan ka soo qeeyb qaatay.

Inta badan dadka Soomaaliyeed ayaa aaminsan booska ay buuxiyeen Culumada Tabliiqa inay iska beer dareeyeen xarakada Al Shabaab oo aan la ogeeyn meel Alle iyo meel ay u socdaan maadaama ay si cad u baneesteen dhiiga Islaamka iyo dhiiga Culumada shartooda ka digtay. Wadaado caan ah ayaa dhoor jeer ku cel celiyay in hadii boqol Xadiis iyo Boqol Aayadood loo keeno xarakada Al Shabaab aysan ka soo laaban doonin wadada qaldan ee Sheeydaanku u qurxiyay.

Diinta Islaamka waxaa loo soo dajiyay Nasteexo iyo in dadka lagu wacyi galiyo oo waliba lagu soo jiito umadaha kale ee Diimaha kale kala heeysta balse Diinta Islaamka uma qalanto in wadaad Qaraxyo iyo Qori isku rakibay uu hor boodo taas oo macnaheeda loo fasiran karo meel lagu kala cararay oo dadka lagu qasho.

Arinta ugu yaabka badan ayaa waxa ay tahay Culumada Tabliiqa oo meel kasta dalka Soomaaliya ka tagi karta iyaga oo aanan ka cabsi qabin kooxaha iyo maamul goboleedyada ka jira dalka Soomaaliya. Tabliiqa waxeey iminka caan ku noqdeen inay dhalinyaro wacyi gelin ah ka kaxeeyaan magaalada Muqdisho kuwaas oo geenaya gobolada dalka waxeeyna sidoo kale gobolada dalka ka soo kaxeeyaan dhalinyaro Nasteexada Diinta Islaamka la barayo oo si weyn u soo camiray Masaajidada magaalada Muqdisho.

Qorshaha ay wadaan Culumada Tabliiqa ah ayaa waxaa uu noqday mid ay ku farxeen kuna aamineen waalidiin fara badan oo markii hore Caruurtooda qaatu-billahi kala taagnaa ururka Al Shabaab oo ku qal qaalin jiray dhalinyarada inay is qarxiyaan naftoodana si raqiis ah ugu waayaan fikrad uu Aduunka keenay qof beni´aadan ah oo isaga qudhiisa Naftiisa u quuri waayay inuu dilo.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:55 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada