Seddex nin oo lagu xiray Degmada Baraawe .

Seddex nin oo lagu xiray Degmada Baraawe .

daajis.com:-Ciidamada Amniyaadka ee Ururka Al Shabaab, ayaa waxay siyaabooyin kala gedisan ay xabsiga u dhigeen, ilaa seddex nin oo lala xiriirinaayo inay ka dambeeyeen weerarkii Dhismaha Degmada Baraawe ku yaala, ee uu Mareykanka ka dambeeyay.

Seddexdaan nin ee gacanta lagu soo dhigay, ayaa mid kamid ah waxa uu ka tirsan yahay Saraakiisha Ururka Al Shabaab. Kaasoo inta badan la socon jiray Saraakiisha lagu weeraray Dhismaha.


Labada nin ee kale ee iyana la xiray, ayaa ka tirsan Ciidanka Shabaab, waxaana si gaar ah looga soo dhex soocay dagaal-yahanada Ururka Al Shabaab.

Ninka Sarkaalka ah ee la xiray, ayaa inta badan isticmaali jiray khadka Internet-ka. Waxaana loo fishay in Mareykanka uu ka hagaayay Internet-ka, iyadoo markaasi laga shidaal qaadanaayo IP Address-kii uu adeegsanaayay.

Ilo lagu kalsoonaan karo, ayaa waxay sheegeen in ninkaan la qorsheynaayo in maalmaha soo socda la toogto. Kadib markii Maxkamada Shabaab ee Degmada Baraawe xukmisay in la toogto.

Weerarkaan waxaa la rumeysan yahay in lagu dilay laba kamid ah Saraakiisha Ururka Al Shabaab, oo mid kamid ah u dhashay dalka Suudaan, isla-markaana tababari jiray Ciidanka Amniyaadka ee Shabaab.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:57 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada