Fernando Torres Oo Wacdarro Dhigay Isagoo Ka Caawiyay In Chelsea Ay Garaacdo Man City.

Fernando Torres Oo Wacdarro Dhigay Isagoo Ka Caawiyay In Chelsea Ay Garaacdo Man City.

daajis.com:-Gool uu dhaliyay Fernando Torres dhamaadkii ciyaarta ayaa ka saaciday Chelsea inay 2-1 ku garaacaan kooxda Manchester City oo marti ku aheyd Stamford Bridge.

Qeybtii hore ee ciyaarta waxaa inta badan heysatay ciyaarta Chelsea kuwaasoo abuuray inta badan fursadaha ciyaarta, iyadoo Fernando Torres uu soo bandhigay qaab ciyaareed wanaagsan oo indhoqabad leh.

Torres ayaana daqiiqadii 28aad iska qasaariyay fursad loo fishay gool, isagoo xabadka ku koontaroolay kubad uu ku helay goolka afkiisa hore islamarkaana uu hortaagan yahay kaliya Joe Hart, laakiin kubadii uu tuuray waxa ay dulmartay goolka dushiisa.

Qaladkii uu sameeyay Elnino waxa uu saxay daqiiqo ka dib markii uu ka soo xarooday Gael Clichy ka hor inta uusan kubad afka hore ee goolka u dhigin Andre Schurrle oo shabaqa ku taabtay, waxaana ay aheyd shaqo wacan oo uu qabtay xiddiga reer Spain.

Torres ayaana nasiibdarro ku lahaa inuusan shabaqa soo taaban daqiiqadii 36aad ee ciyaarta markii karoos uu ka helay Andre Schurrle uu isla wareejiyay ka hor inta uusan kubad qurxoon goolka u qaadin, laakiin kubadaas cajiibka aheyd waxaa soo beenisay birta.

Waxaana qeybtii hore ee ciyaarta lagu kala maray 1-0 oo ay hogaanka ku heysay kooxda martida loo ahaa ee Chelsea.

Man City oo qeybtii hore aamusneyd ayaana dardar ku soo gashay qeybtii labaad markii ay goolka barbaraha heleen daqiiqadii 48aad iyadoo Samir Nasri uu kubad u dhex bixiyay Sergio Aguero kaasoo isna kubada sideeda kula qabadsiiyay shabaqa, waxaana ay ciyaarta noqotay barbaro 1-1 ah.

Labada kooxood ayaana dadaal weyn ugu jiray inay helaan goolka guusha, Chelsea ayayna aheyd kooxdii heshay goolka guusha daqiiqadii 90aad ka dib daafacasho tii ugu xumeyd oo ay sameysay City iyadoo kubad dheer oo la soo qaaday uu Nastasic damcay inuu madax ugu baaso goolhaye Joe Hart laakiin ma uusan ogeyn in Joe Hart uu agtaagan yahay taasoo keentay Torres oo ka danbeeyay inuu kubada u qaato shabaq banaan islamarkaana cusjiyo kubada.

Tababare Jose Mourinho ayaana goolkaas kula dabaaldegay isagoo taageerayaasha kooxda ugu tagay taribuun islamarkaana xabadka geliyay.

Goolkaas uu dhaliyay Torres ayaana ugu filnaa Chelsea inay 2-1 kaga badiso kooxda Manchester City taasoo ka dhigeysa in Chelsea ay ku soo laabato kaalinta labaad iyagoo leh 20 dhibcood waxaana ay dhibcahaas la wadaagaan kooxda kaalinta labaad ee Liverpool.

Man City ayaa iyadana u dhacday kaalinta 7aad iyagoo leh 16 dhibcood.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:16 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada