Ghana oo ciidan boolis ah usoo diraysa Soomaaliya

Ghana oo ciidan boolis ah usoo diraysa Soomaaliya

daajis.com:-Xukuumada Ghana ayaa diyaarisay ciidan tiro ahaan gaaraya 90 askari oo ay doonayaan in lagu biiriyo howlgalka midowga afrika ee kasocda gudaha dalka Soomaliya.

Madaxa tababarka Fanny Aboagye ayaa sheegtay in laba toddobaad illaa bil lagu wado in ciidanka lagu geeyo Soomaaliya, si ay u xoojiyaan dadaallada nabadda iyo horumarka ee hadda ka socda Soomaaliya.

Ciidankaan loo soo wado gudaha Soomaliya ayaa tababar waxa ay kuqaaten xarunta tababarka caalamiga ah ee nabad ilaalinta Kofi Anan ee dalka Chana,waxana ka go,an sidii ay qayb uga noqon lahaayen dadaalka loogu jiro soo afjarista dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

Dowladda Nayjeeriya ayaa horray ciidan boolis ah ugu soo dirtay Soomaliya,kuwaasoo ka qeyb qaadanaya dadaallada lagu doonayo in Soomaaliya dib loogu soo dabbaallo nabad iyo xasillooni.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada