Ma run baa in Mr Bean uu Islaamay ?

Ma run baa in Mr Bean uu Islaamay ?

daajis.com:-Jilaa Rowan Atkinson oo Mr Bean loo yaqaano wuu Islaamay oo diinta Muslimka ayuu qaatay ayay qortay saxaafadda bariga dhexe iyo Aasiyada fog balse waxaa isweydiin leh arrinkani ma run baa oo ma wax jiraa maadaama xataa caalamka Islaamka uu isla dhexmarayo wararkaan oo bogaga ay dadka wadaagaan sida Facebook la isugu dheegayo in uu Islaamay Mr Bean.

Waxeey aheyd 1 dii October markii uu webka afka carabiga ku baxa ee sadapladi.com iyo webabkale  oo tira badan arinkan shaaciyeen iyadoo ayna sii qaateen warkaasi websiteyo kale oo Aasiya iyo Africa laga leeyahay waxaana waliba qaar websiyeadasi ka mid ah ay qoreen inuu Mr Baan qabsaday shahaadada Islaamka iyadoo mar la weydiiyay Mr Bean su'aal aheyd in uu islaamay iyo inkale uu farta hore kor u taagay taasoo cadeyneysa Ashahaatinka Islaamka iyo kali ahaanshaha Alle kale in uusan jirin Ilaah mooyee. Saxaafadda  Ingiriiska ee jecel inay wax walba qorta  iyo kuwa kale ee afka dheer ee arrimaha dadka caanka ah wax ka qora ayaa arrinkani wali waxba ka qorin. mana jiro warar dheeraad ah oo aan intaas aheyn oo laga helay arrintani.  

Mar aanu arrinkani wax ka weydiinay dadka xeeldheerayaasha ee wax ka qora arrimaha fanaaninta ayaa waxey sheegeen in ay tani micnaheeda noqon karto dhab maadaama uu Mr Bean fartiisa kaligeed kor u taagay , uuna wali Mr Bean ku hadlayo luqadii uu caanka ku ahaa ee aheyd inuu wax tilmaamo laakiin uusan hadlinba.  Mr Bean oo 58 jir ah ayaa ah shaqsi dalka Ingiriiska u dhashay aadna looga jecelyahay waxaana uu Bean uu ku dhawaad 30 sano ka qoslinayay dadka asigoo hal eray xataa oran , oo wajigiisa iyo qaabka jilitaankiisa kaliya ayaa dadka ka qosliya.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada