Maamulka Gobolka Banaadir oo Deeqo Waxbarasho u balan qaaday Ardayda Gobolka Banaadir

Maamulka Gobolka Banaadir oo Deeqo Waxbarasho u balan qaaday Ardayda Gobolka Banaadir

daajis.com:-Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna  Duqa Magaalada Muqdisho ayaa waxa u balanqaaday in Maamulka Gobolka Banaadir uu bixinayo Fee-ga waxbarashada 10-ka arday ee ugu dhibcaha sareeya Iskuulada sare ee Magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha gobolka banaadir Maxamud Axmed Nuur (Tarsan) oo shalay Ka hadlayay Xaflad xariga looga jarayay iskuulada yaqshiid iyo Towfiiq ee magaalada muqdisho ayaa hoosta ka xariiqay in maamulkiisa ay awoodaan kaliya in ay 10-kaas arday ee kaalmaha hore gala ka baxshaan qarashka waxbarashada jaamacada.

Sidoo kale gudoomiyaha Gobolka banaadir ayaa waxa uu ku dhiira galiyay ardayda soomaaliyeed in ay waxbarashada ka mira dhaliyaan o aysan ka caajisin.

Talabadaan oo uu qaaday Maamulka Gobolka banaadir ayaa waxa ay arday badan u arkaan fursad qaali ah taas oo tartan ka dhax bilaabi doonto ardayda dhigato fasalada dugsiyada sare si ay uga faa,ideystaan deeqda waxbarasho  ee uu balan qaaday maamulka gobolka banaadir.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:54 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada