Jawiga Magaalada Muqdisho oo maanta wax badan ka badalan sidii hore(Daawo Sawirada)

Jawiga Magaalada Muqdisho oo maanta wax badan ka badalan sidii hore(Daawo Sawirada)

daajis.com:-Jawiga Magaalada Muqdisho ayaa maanta ah mid wax badan ka badalan sidii hore iyadoona maanta Magaalada uu ka da'ayo roob ay dadka iyo duunyadaba ku diirsadeen.

Waxaa maanta aad u yar dhaq dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka Magaalada Muqdisho waxaana saameyn ku yeeshay roob xalay bilowday ilaa hadana kasocda Magaalada.

Roobka ayaa biyo badan dhigay laamiyada iyo xaafadaha Magaalada Muqdisho iyadoona dadka iyo gaadiidka ay ku adagtahay in ay maraan wadooyinka qaarkood oo biyo badan xireen.

dadka qaakood ayaa maanta shaqada kanasanaya maanta iyagoo qabayga iyo neecawda roobka ku qaadanaya guryahooda , waxaa sidoo kale aad u yar dhaq dhaqaaqa ganacsi ee maanta ka jira Suuqyada Magaalada Muqdisho.

Roobka maanta ka da'aya Magaalada Muqdisho ayaa saameyn balaaran ku yeeshay dad masaakiin barakacayaal ah aan heesan meel ay gabaad kaga galaan biyaha roobka iyo qabowga uu wato.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com








Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:02 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada