Madaxweyne Xasan Sheekh oo u ambabaxay caawa dalka Turkiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u ambabaxay caawa dalka Turkiga

daajis.com:-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maqribkii caawa ka ambabaxay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, isagoo ku sii jeeda dalka  aan walaalaha nahay ee Turkiga


Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa casuumaad rasmi ah ka helay madaxweynaha dalka Turkiga mudane C/lla Guul.

Labada madaxweyne ayaa yeelan doona kulan ay kaga wada hadlayaan xiriirka u dhaxeeya labada dal iyo mashaariicda horumarineed oo ay dowlada turkiga ka wado Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa inta uu ku suganyahay dalka Turkiga waxa uu kulamo kala gadisan la qaadan doonaa mas’uuliyiin dowlada turkiga.

Dalalka Soomaaliya iyo Turkiga ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir saaxiibtinimo oo soo jireen ah.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:39 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada