Rag ka tirsan Al Shabaab oo lagu soo bandhigay Baladweyn

Rag ka tirsan Al Shabaab oo lagu soo bandhigay Baladweyn

daajis.com:-Taliska Booliska ee Maamulka Gobolka Hiiraan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Askar ka tirsan Al Shabaab waxa ay ku soo bandhigeen Magaalada ee Xarunta Gobolka Hiiraan.


Askartan maanta lagu soo bandhigay Magaalada Baladweyne ayaa waxa aay gaarayeen ilaa iyo 5 ruux oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab kuwaasi oo la sheegay in lagu soo qab qabtay howlgallo laga sameeyay Magaaladaasi.

Taliyaha qeybta Booliska ee Gobolka Hiiraan Isaaq Cali Cabdulle ayaa sheegay in 5-tan ka tirsan Al Shabaab lagu qab qabtay howlgallo laga sameeyay Magaalada Baladweyne waxaana uu tilmaamay in Askartan ka tirsan Al Shabaab ay qaabil sanaayeen Qaraxyada iyo Dilalka qorsheysan ee laga fulin jiray Magaalada Baladweyen ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Askartan ayaa waxaa sidoo kale la sheegay in ay qirteen Dilal iyo qaraxyo kala duwan oo ka dhacay Magaalada Xaafadaha Howl-wadaag iyo X/taako ee Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan iyadoona la sheegay in iminka ay su gayaan Xukun oo kaliya.

Waa markii ugu horeesay Taliska Booliska ee Gobolka Hiiraan ee Dowladda Soomaaliya uu 5-Ruux ka tirsan Al Shabaab ku soo bandhigo gudaha Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada