Dowlada Ethiopia Oo ka hadashay Qaraxii ka Dhacay Addis Ababa

Dowlada Ethiopia Oo ka hadashay Qaraxii ka Dhacay Addis Ababa

daajis.com:-Saraakiisha dalka Ethiopia ayaa sheegay in Qaraxii ka dhacay Magaalada Addis Ababa ee Xarunta dalka Ethiopia uu ka dhashay Kadib markii Laba Ruux oo Muwadiniin Soomaali ah ay ku qaraxday Bombaano ay samaynayeen.

Wasiirka Warfaafinta Ethiopia Ridwaan Xuseen ayaa sheegay in Labada Ruux ee qaraxaasi ay farsamaynayeen uu ku qarxay uu Midkood asal ahaan uu yahay Soomaalia, hasa yeeshee qofka labaad ma sheegin dhalashadiisa Wasiirku.


Wasiirka Warfaafinta Ethiopia Ridwaan Xuseen ayaa intaasi ku daray in Labadaasi Ruux ay sharci daro ku joogeen dalka Ethiopia ayna guri ka kiraysteen Xaafada ay Soomaalidu ku badan tahay ee Bole ee Magaalada Addis Ababa gaar ahaan meel u dhow Garaoonka Diyaaradaha ee Magaalada Addis Ababa ee Xarunta dalka Ethiopia.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in aysan cadayn in Nimakaasi ay bartilmaameedsan lahaayeen Dadka faraha badan ee isugu soo baxay Daawashada Ciyaar loogu soo gudbayey koobka aduunka oo dhex maraysay Xulalka Nayjeeriya iyo Itoobiya .

Weerarkani ayaa waxaa Masuuliyadiisa sheegtay Xarakada AL-Shabaab ee Soomaaliya ka dagaalanta.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada