Xarakada Al-Shabaab oo sheegatay Masuuliyadda Qaraxii ka dhcay Addis Ababa, weeraro dheeraad ahna ku hanjabtay

Xarakada Al-Shabaab oo sheegatay Masuuliyadda Qaraxii ka dhcay Addis Ababa, weeraro dheeraad ahna ku hanjabtay

daajis.com:-Xarakada Al-Shabaab ayaa war ay soo dhigeen Barta Twiterka  waxa ay ku sheegteen Masuuliyadda Qaraxii ka dhacay Magaalada Addis Ababa ee Xarunta dalka Ethiopia, kaas oo ay ku dhinteen ku dhawaad 2 Ruux.

Dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab ayaa waxa ay warka ay soo dhigeen Twiterka ku sheegeen in ku dhawaad 10 qof ay ku dhinteen qaraxaasi.


Xarakada Al-Shabaab ayaa sidoo kale ku hanjbay in ay Weeraro kale ay ka gaysan doonaan dalka Ethiopia.

Qaraxa ayaa waxa uu ka dhacay Xaafada Bole ee Magaalada Addis ababa ee Soomaalidu ku badantahay maalintii Shalay.

Dhanka kale dowlada Ethiopia ayaa waxa ay horay u sheegtay in Qaraxa uu ka dhacay guri kuyaalla Xaafada Bole ee Magaalada Addis Ababa ayna ku dhinteen dad aanana weli haybtooda la aqoon, ayna wadaan Baaritaano la xariira ciddii ka dambeysay Qaraxasi .

Xarakada Al-Shabaab ayaa waxa ay horay ugu hanjabeen in ay Weearo ka gaysan doonaan Wadamada ay Ciidamada ka joogaan dalka Soomaaliya, iyadoo Qaraxa Addis Ababa ka dhacay uu ku soo beegmayo xili dhawaan Xarakada Al-Shabaab ay sheegteen Masuuliyada Weerarkii Westgate ay dadka faraha badan ku dhinteen
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:08 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada