Daawo Sawirada:- Aabbe Soomaaliyeed uu haleelay Cudur ku Faafaya Jirkiisa marbo marka kasii dambeysa.

Daawo Sawirada:- Aabbe Soomaaliyeed uu haleelay Cudur ku Faafaya Jirkiisa marbo marka kasii dambeysa.

daajis.com:-Bukaanka Maxamed Sabdow Cali oo Dhawaan uu ka yimid Gobolka Shabeeladda Hoose Muqdishana u yimid si uu u ogaado Cudurka Haya,ayaa waxaa Bukaanka Baaritaan Caafimaad ku sameeyey Dhaqtarka Dr Yaasiiin Axmed Nuur oo ah Consultants Physician kana Shaqeeya Isbitaalka Rajo ee Muqdisho waxaana uu sheegey Dhaqtarku in Cudurkaan uu yahay Cudur ku faafa Jirka Qofka,oo haatan ka bilowdey Shafka una sii Gudbaya Kilkiladda kaasoo uu sheegeyin uu keeni karta in Bukaanka uu Khatar geliyo Nafsadiisa ama Cuuryaamiyo , Dr Yaasiin waxaa uu sheegey in Cudurka haya Maxamed Sabdiow Cali uu yahay Cudur lagu Daaweyn karo Dalka Dibadiisa oo uu sheegey in ay Taalo Dawadiisa weliba waxaa si Fudud lagu heli karaa Dawadiisa ,

Sidoo kale Dr Yaasiin waxaa uu sheegey in Qoyskiisa uu isna ka baqayo in uu Bukaanka u si Gudbiyo waayo waxaa uu sheegey in ay Muuqanayaan Astaamaha Cudurkaas ee Qoyska qaar qaba sida uu sheegey Bukaanka wuxuuna u soo jeediyey Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Dibadiisa iyo Gudahiisa ee wax Haysta in ay gacan siiyaan Bukaankaas oo ay Nafsadiisa Badbaadiyaan maadaama si Fudud lagu Daweyn karo , islamarkaana waxaa uu sheegey in Bukaanka uu yahay Qof aan waxba haysan oo aan iska bixin karin Caafimaad Dibadeed 

Wariye Amiin Yuusuf Khasaaro iyo Wariye Maxaxmed Deeq Barre (Fiyoore) mar ay ku Booqdeen Guri uu si Ku meel gaar ah u degenaa Maxamed Sabdow Cali ayaa waxay sheegeen in ay ka muuqanaysey Bukaanka Murugo iyo Walbahaar waayo waxaa uu ahaa qof ka Walwalsan sida uu isaga Daaweyn lahaa Cudurkaas , waxaana wax ka weydiiney Bukaan Waqtiga uu ku bilowdey Cudurkaan waxaana uu sheegey in mar hore uu ka dareemey jirkiisa si Tartiib ah ugu Faafayey, isagoo sheegey in uu yahay Aabbe caruur badan ay ka sugayaan Nolol waayo waxaa uu sheegey in uu yahay nin Beeraley ah oo Beertiisa ugu Shaqeynayey Caruurtaas waxaan uu sii daba Dhigey “Maanta waxan u baahanahy Caawinaad waayo waxaan hada Dareemayaa in haddii aan la iga Daweyn Cudurkaan uu Khatar gelinayo irkeyga oo uu i Fariisinay, marka waxaan ummadda Soomaaliyeed ee ku Nool Dibada iyo Cidkasta oo wax haysta in ay ii Gargaaraan oo ay iga daaweyeen Cudurkaan”

Hadba Cidii Dooneysa in ay Caawintaa Bukaankaas kala soo Xiriir Bukaanka

Maxamed Sabdow Cali
Tel 00252615921410 Ama
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com







Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:07 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada