Subhaana Allah:- Haweenay 7-Sanadood Ka Hor Indho Beeshay Oo mar qura usoo laabtay araga indhaheeda iyada oo ku sugan dhulka Barakeesan

Subhaana Allah:- Haweenay 7-Sanadood Ka Hor Indho Beeshay Oo mar qura usoo laabtay araga indhaheeda iyada oo ku sugan dhulka Barakeesan

daajis.com:-Xaajiya Faadima Al Waxi oo ah Hooyo u dhalatay Dalka Sudan ayaa 7-Sano kadib si mucjiso ah Alle (SW), waxa uu ugu soo celiyay arageedii xili ay hor taagneed Masaajidka iyo Qabriga Nabigeeni Maxamed (NNKHA).

Wargeyska Cukaad ee kasoo baxa Boqortooyada Sucuudi Arabiya ayaa qoray in Xaajiyadan u dhalatay Dalka Sudan araga indhaheeda beeshay 7-sano kahor marar kala duwana loo geeyay dhaqaatiir laguna sameeyay qaliino kala duwan balse lagu guul darestay in arageeda uu dib usoo laabto.

Xaajiya Faadima ayaa tan iyo markii ay indhaha beeshay aan ka rejo dhigin in mar uun Alle (SW), arageeda dib ugu soo celiyo, waxaanay waday baryadiisa ay kaga dalbanayso in sidii uu uga qaaday si la mid ah uu ugu soo cesho.

Haweeneydan ayaa kamid aheed Xujeyda Reer Sudan ee xiligan gudana Waajibaadka Xajka ayaa markii ay tagtay Dhulka Barakeesan waxa ay bilowday in ay dukato salaad badan ,Duco iyo Alle Bari aad u badan, iyadoona ilaahey ka tuugeysay sidii uu uga qaaday arageeda hadana ugu soo celiyo mar kale araga indhaheeda.


Xaajiya Faadimah ayaa sheegtay in mar kaliya Illaahay Daahii madoobaa ee indhaha ka saarnaa iyo mugdigii ka fayday, oo si lama filaan ah wax walba u aragtay, waxa ay tilmaantay in xitaa iyada lafteedu markii ugu horaysay rumaysan kari wayday, arag wax walba Alle daaha uga rogay.

Hooyadan Reer Sudan ayaa 7-sano kadib awooday in kaligeed ay socoto iyadoona cidna aysan caawineynay , waxaana usuurto gashay in indhaheeda ku aragto wiilkeeda oo lasocday , waxa ayna Bilowday hooyadan markii arageedii usoo laabtay Takbiir iyo in Alle ugu xamdido arageedii usoo laabtay.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:35 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada