Daawo Sawirada:- Malaayiin Muslimiin ah oo maanta dul taagan buurta Carafa,

Daawo Sawirada:- Malaayiin Muslimiin ah oo maanta dul taagan buurta Carafa,

daajis.com:-Dad Muslimiin ah oo kor u dhaafaya illaa labo milyan oo ruux ayaa maanta dul taagan Buurta loo yaqaano Carafa ee dalka Boqortooyada Sacuudiga, kuwaasoo ka kala yimid dalal aad u kala fog oo ku kala yaala caalamka Islaamka, iyagoo gudanaya rukniga ugu weyn ee waajibaadka Xajka sanadkan.

Xajka oo ka mid ah shanta tiir ee asaaska u ah Islaamka ayaa sanad walba ka dhaca magaalooyinka barakeysan ee dalka Sacuudiga sida Maka Al Mukarama, Madiina Al Munawara iyo kuwo kale halkaasoo ay isugu tagaan malaayiin muslimiin ah oo kala yimaada caalamka islaamka, iyadoo Ma'suuliyiinta boqortooyada Sucuudi Carabiya ay sheegeen in sanadkan uu aad u yaraan dadka ku dhinta isbuurashada iyo dhibaatooyin kale oo dadku ay la kulmi jireen sanadihii hore ka dib markii la balaariyey dib u habeyna lagu sameeyey goobaha ugu badan uu dhibaatooyinka qaar ay ka dhici jireen.

Dowlada Boqortooyada Sacuudiga ayaa sanad walba waxay balaayiin dolar ku bixisaa sidii ay qaabka ugu wanaagsan ugu gudan lahayeen Xajka dadka faraha badan ee gudanaya waajibaadka diiniga ah ee xajka, iyagoo u diyaariya gaadiid, meelo ay degaan iyo isbitaalo wareega oo la tacaalaya dadka xujeyda ah ee xanuunada deg deg ah ay ku dhacaan.

Kumanaan Ciidamo oo ammaanka ilaalinaya ayaa la dhigay goobaha waajibaadka xajka lagu gudanayo, iyadoo dowladda Sucuudiga ay walaac ka qabto inay rabashado la xiriira dagaalka Suuriya ay dhacaan inta lagu jiro gudasha Xajka ee sanadkan.

Xujey badan oo Soomaali ah ayaa sanadkan ka qeyb galaya waajibaadka Xajka kuwaasoo kor u dhaafaya 10 kun oo ruux oo ka kala yimid gudaha dalka iyo wadamada caalamka, waxaana ka mid ah culumaaudiin iyo masuuliyin ka tirsan dowlada Somalia.

Maanta oo ku beegan maalinta Sagaalaad ee bisha Dul-Xaj, ayaa waxaa sooman inta badan muslimiinta aan ka qaybgelin Xajka ee ku kala nool daafaha caalamka, waxayna Alle ka baryayaan inuu u dhaafo dambiyadii ay horay u galeen, iyadoo Maalinta beri ah ay tahay maalinta koowaad ee Ciidul Adxa oo dunida Islaamka oo dhan si weyn looga dabaaldago, waxaana dunida Islaamka ka socda diyaargarow loogu jiro soo dhaweynta ciiddal adxaa.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com











Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:26 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada