Ka Faa’ideyso Warbixintan Qiimaha badan: CARAFAH CAJAA’IB BADANAA

Ka Faa’ideyso Warbixintan Qiimaha badan: CARAFAH CAJAA’IB BADANAA

daajis.com:-Maalmuhu waa is daba joog, cimrigu wuxuu ku socdaa xawaare doqoni ma garatay ah, Alle wuxuu addoomadiisa u diyaariyey xilliyo ay ku soo kabtaan, oo khayr fara badan laga helo dunuubtana la dhaafo, haddaba waxaa xilliyadaa ka mid ah maalinta carafah, runtii carafah oo ah maalinta sagaalaad ee bisha Arrafo (Dilxijah) waxay ku beegantahay 14-October-2013 ka oo ah maalinta isniinta ee foodda inagu haysa, Carafah cajaa’ib door ah ayaa lagu sheegay.

1. Waa maalintii la ebyay (la dhammaystiray) diinteena toosan, nin yuhuud ah ayaa Cumar ina Alkhadaab AKR ku yiri aayad ka mid ah kitaabkiina oo aad akhridaan hadday anaga reer Israa’iil ah noo soo degi lahayd maalintaas ciid ayaan ka dhigan lahayn, waa aayadda 5aad ee suuradda Almaa’idah, Cumar AKR ugu jawaabey waxaan garanaynaa maalintii ay Nabiga SCW ku soo degtay, wuxuu taagnaa Carafah waliba maalin Jimce ah.

2. Waxaa lagu dhaafaa soonka la soomo maalintaan sannad tegay dambigiis iyo mid soo socda dambigiis sida ku cad xadiiska uu soo saaray Imaam Muslim, laakiin waa qofka aan Xaajiga ahayn, qofkii xaaji ah oo xajka gudanaya asagu ma soomayo.

3. Dadka xujeyda ah waxay ugu tirsantahag ciidda sida ku cad xadiiska uu soo saaray Imaam Abuu-Daa’uud Sheekh Albaanina uu saxiixiyey.

4. Ducada la duceysto maalintaas waa ducada ugu khayrka badan duco sida ku cad Xadiiska uu Sheekh Albaani ku saxiixiyey Silsiladdiisa Saxiixa ah. Ibnu Cabdilbar Allaha u raxmadee ayaa yiri xadiiskanu wuxuu tusinayaa dheeraadka iyo milgada maalinta carafo ay dheertahay maalmaha kale.
5. Waa maalinta uu Alle addoomada ugu badan naarta ka xoreeyo sida ku muujisan xadiiska uu wariyey Imaam Muslim.

6. Alle ayaa dadka carafah taagan ugu faanaya malaa’igta samada sida ku qeexan xadiiska uu soo saaray Imaam Axmed Sheekh Albaanina saxiixiyey.
7. Waa tiirka ugu mudan tiiraka xajka oo qofkii aan Carafah istaagin xilli ka mid ah maalinta sagaalaa iyo habeenka ka dambeeya xaj uma jiro sida ku cad xadiiska ay weriyeen Bukhaari iyo Muslim.

Salafkii ummaddu waxay dadaali jireen maalintaan dadaal gaar ah, qaarkood waxay u badan jireen xagga baqdinta Alle iyo xishoodkiisa, Mudaffar ina C/llaahi iyo Bakar Almuzani Allaha u raxmado e ayaa istaagay Carafah markaas ayaa mid kood yiri (Allahayoow ha hungeyn (ha qadin) dadka halkaan taagan aniga dartay) wuxuu isu arkaa nin laga yaabo in dartiis dadkaas oo dhan loo aqbali waayo!!!, kii kale ayaa yirj (Alla maxaa ka sharaf badan taagnaanta meeshaan oo maxaa looga rajo badanyahay Alle marka halkaan la joogo waase haddii aanan anigu ku jirine) isna sidii saaxiibkiis ayuu isu arkaa nin dartiis loo waayi karo khayrkaas!!, Allaahu akbar maxaad ka taqaan raggaas bal isku day in aad baartid taariikh nololeedkoodii adaa yaab arag e.

Qaarkoodna waxay u badan jireen xagga rajada, C/llaahi in Mubaarak Allaha u raxmadee ayaa u yimid Sufyaan Althawri Allaha u raxmadee maalintii Carafah isaga oo jilbaha (ruugagga) ku taagan ilmaduna ka qubanayso markaas ayuu milicsaday C/llaahi markaas ayuu C/llaahi yiri Sufyaanoow yaa dadka halkaan taagan u liita?, wuxuu yiri Sufyaan waxaa u liita kan moodaya in aan Alle u dambi dhaafayn!!!.

Ugu dambayn haddaadan xaaji ahayn soon maalinta Carafah, oo badi qur’aan akhriska, dikriga iyo ducada si aad u heshid khayr fara badan cadaankana lagaaga xoreeyo, haddaad tahay xaaji istaag carafah marka sawaalku dhaco ilaa qorraxdu ka dhacdo si aad maalin iyo xilli habayn ah aad u kulmisid, badi dikriga, qur’aan akhriska iyo ducada si xajkaagu u asaxo asd u heshid khayr fara badan, dembi dhaaf iyo cadaabka oo lagaa xoreeyo.

Ikhyaareey rag iyo dumar, carruur iyo cirroole, culimo iyo caamo, madax iyo majo dadaal ayaan idinku ogahay (Jacaylna waa kii isoo kacshay tabarina waa tan halkaa I dhigtay!!!).
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:12 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada