Shirkii Midowga Afrika oo la soo gaba-gabeeyay (Warbixin Kooban)

Shirkii Midowga Afrika oo la soo gaba-gabeeyay (Warbixin Kooban)

daajis.com:-Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya waxaa lagu soo gabagabeeyay shirkii madaxweyneyaa waddamada Midowga Afrika kaasoo muddo labo cisho ka socday halkaas.

Shirka laga soo saaray go’aanno ay ka mid yihiin in aanan maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada (ICC) looga yeeri Karin madaxweyne ama ku-sime madaxweyne inta uu xilka haayo.
Hoggaamiyaasha Afrika ee shirka joogay ayaa isku raacay in loo baahan yahay in madaxda xilalka haaya lagu xushmeeyo waqtiga ay xilka haayaan.
Madaxweynaha Kenya Uhuro Kenyatta iyo ku xigeenkiisa oo shirka joogay ayaa ku baaqay in la laalo dacwada loo heesto, waxaana ay ku celiyeen in wax dambi aysan galin.
Madaxweynaha Sudan Al-Bashiir oo ay raadineyso maxkamadda ICC ayaa sheegay  in maxkamadda ICC ay tahay mid loogu talagalay Afrika.
Dhinaca kale, hey’adda xuquuqda aadanaha ee fadhigeedu yahay New York ,HRW ayaa ku tilmaamtay go’aanka madaxda ururka midowga Afrika mid lagu baneenaayo tacadiyada ka dhacaya qaarada.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:05 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada