South Africa oo walaac ka muujisay weeraro kaga yimaada Shabaab .

South Africa oo walaac ka muujisay weeraro kaga yimaada Shabaab .

daajis.com:-South Africa oo ah dalka ugu dhaqaalaha badan ee dalalka dhaca Qaaradda Africa, ayaa waxa ay xilligaan ka gaashaamaneysaa weeraro kaga yimaada Ururka Al Shabaab.

Wakaalada Wararka ee AP, ayaa waxay maanta boggeeda hore ay ku soo daabacday in South Africa ay cashar ka baratay, wixii ka dhacay 21-kii September Bartamaha Magaalada Nairobi.


Wakaalada AP, ayaa waxay xustay in South Africa ay heegan sare gelisay Ciidankeeda ammaanka. Si xog badan looga helo tuhunka ay South Africa ka qabto dhanka Al Shabaab.

Walaaca xilligaan ay South Africa ka qabto dhanka Shabaab, ayaa waxay ka dhalatay markii haweeney British ah oo lagu magacaabo Samantha Lewthwaite. ay dalka Kenya ku gashay Passport-ka South Africa.

Warbixin ay soo saartay Wasaarada Arrimaha Gudaha ee South Africa, ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidanka gaarka ah ee South Africa, ay isha ku hayaan Ajaaniibta dalkeeda ku dhaqan. oo ay ku jiraan Soomaalida.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada