War Deg Deg Ah Dagaal laga cabsi qabo in gowr dhow uu ka dhaco Balad-xaawo iyo Gaadiid dagaal oo ku qulqulaayo halkaasi

War Deg Deg Ah Dagaal laga cabsi qabo in gowr dhow uu ka dhaco Balad-xaawo iyo Gaadiid dagaal oo ku qulqulaayo halkaasi

daajis.com:-Warka naga soo gaaraya Balad-xaawo, ayaa sheegaya in Xiligaani halkaasi ay ka taagan yihiin Xiisado Dagaal oo u dhexeeya Ciiddamadda Dowladda iyo kuwa Maamulka KMG ah ee Jubba.

Gabi ahaan Magaalladda ayaa waxaa la sheegayaa in lagu daadiyay Ciiddamo ka kala socda Dowladda iyo Maleeshiyadda Axmed Madoobe, kuwaasoo laga cabsi qabo in saacadaha soo socda ay is farasaaran.

Sidoo kale, Saan-saanta Colaad ayaa waxaa qeyb ka ah Ciidamo taabacsan Ahlusuna, kuwaasi oo iyaguna ku sugan duleedka Balad-xaawo.

Xiisadan ayaa la sheegay in ay ku saleysan tahay gacan ku haynta maamulka Degmada Baladxaawo, iyadoo xiisadan ay keentay cabsi soo wajahday dadka deegaanka oo ka baqaya dagaal lagu hoobtay inuu halkaasi ku dhex maro dhinacyada iska soo horjeeda.

Dhanka kale, Wararka ka imaanaya halkaasi waxay intaa ku darayaan in Ciidamada taabacsan Maamulka KMG ah ee Jubba uu hogaamiyo Axmed Madoobe ay ku sugan yihiin meel 7-KM u jirta Beledxaawo, waxaana ciidamadan ay ka yimaadeen degmada Doolow.

Inta badan Balad-xaawo ayaa waxaa xiligaani ka socda Barakac looga cabsi qabo in wax yar kadib ay isku dhacaan Ciidamadaasi, iyadoona inta badan Magaalladdaasi la xir xiray Goobaha ganacsiga, mana cadda halka ay caga dhigan doonto Xaaladaasi kacsan.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:14 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada