Warbaahinta Dalka Canada oo aad ugu hadashay Nin Somali-Canadian ah oo gowracay 4 caruur ah oo uu dhalay(Daawo Muuqaal+Warbiixn)

Warbaahinta Dalka Canada oo aad ugu hadashay Nin Somali-Canadian ah oo gowracay 4 caruur ah oo uu dhalay(Daawo Muuqaal+Warbiixn)

daajis.com:-Soomaalida ku nool dalka Canada ayaa waxaa la sheegay inay ku noqotey naxdin iyo murugo ka dib markii ay maqleen nin Somali-Canadian ah oo dhawaantaan ku gowracay gudaha dalka Soomaali 4 caruur ah oo uu dhalay iyadoona ay warbaahinta dalkaas Canada ay ka hadashay dhacdadaas. 



Soomaalida ku nool magaalada Calgary ee dalkaas Canada ayaa waxay ku noqotey arin naxdin iyo murugo leh ka dib markii ay ka war heleen in nin Soomaali -Canadiaan ah oo horey u deganaan jirey magaaladaas uu gowracay 4 wiil oo uu dhalay, Ninkaan Soomaali-Canadianka ah oo lagu magacaab Cumar Xuseen Shire oo 60 sano jir ah oo horeyna u deganaa magaaladaas Calgary ee dalkaas Canada islamarkaana ka ahaa taksiile ayaa qaar ka mid ah asxaabtiisii hore waxay sheegeen inay ku noqotey wax laga naxo oo murugo leh markii ay maqleen waxa dhacay, Maxamuud Fiidoow oo ah nin ay is yaqaaneen in ka badan 20 sanadood ninkaas gowracay caruurtiis ayaa waxaa uu sheegay inuu aqoon u lahaa ninkaas islamarkaana uu ahaa nin wanaagsan oo aan lagu aqoon wax xumaato ah oo uuna ka shaqeyn jirey waqti hore mid ka mid ah shirkadaha Tagaasida ee magaaladaas, ninkaas ayaa waxaa kale oo uu sheegay in markii ugu dambaysay ninkaasi uu ka cabanaayey arimo la xiriira caafimaadkiisa iyo hurdo la'aan joogto asagoona sheegay inay iskugu dambeysay sanadkii 2009 ka dibna aysan ogeyn meesha uu ku dambeeyey. 

Ugu dambeyntiina iyadoo dhibaatada naxdinta leh ee uu ninkaas geystay ay noqotey mid ay si aad iyo aad ah ay uga hadlaan warbaahinta aduunka gaar ahaan tan dalka Canada ayaa hooyada dhashay caruurtaas la gowracay oo lagu magacaabo Qadro Cadaawe oo wareysi siisay warbaahinta dalka Canada way sheegtgay inay ka xun tahay dhibaatada soo gaartay, Soomaalida ku nool dalka Canada gaar ahaan kuwa ku nool magaalada Calgary ayaa ayagu waxay ka muujiyeen arintaas murugo weyn ayadoo sida uu sheegay godoomiyaha jaaliyadaas Maxamed Jamac ay tahay wax laga naxo arinta ku dhacday caruurtaas, Afhayeen u hadlay wasaarada arimaha dibada ee dalkaas Canada ayaa waxay sheegay inay ka warhayaan mashaqadaas dhacday islamarkaana ay diyaar ula yihiin wixii talo ah ninkaas Somali-Canadianka ah laakiinse aan wali la soo gaarsiin wax codsi oo ku saabsan arintaas
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:58 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada