Amniyaat-ka Al-Shabaab oo qiyaanay Sirdoonka Dowladda Somalia –Dagaalkii Barawe oo N50 loo raray?

Amniyaat-ka Al-Shabaab oo qiyaanay Sirdoonka Dowladda Somalia –Dagaalkii Barawe oo N50 loo raray?

daajis.com:-Amniyaadka Al-Shabaab ayaa ku guuleeystay inay fashiliyaan weerarkii Ciidamadda Dowladda Somalia qorsheeynayeen inay ku qaadaan Magaalo xeebeedka Baraawe .

Sirdoonka Al-Shabaab oo ka xirfad sareeya kuwa dowladda iyo Amisom waxay ku guuleeysteen inay degenaansho la-aan ka ridaan  Magaalada Marka iyo deegaanada laga xukumo sida Janaale, Shalanbood, Buufoow iyo KM 50.
Amniyaadka Alshabaab oo ka faaiideysanaya aqoonta ay u leeyihiin qabaa’ilka Soomaaliya iyo sida ay isku neceb yihiin waxay ka shaqeeyeen  inay colaad ka ridaan labada Shabeelle,Shabeeladda hoose iyo Shabeeladda dhexe taas oo meesha ka saartay weerarkii Dowladda Somalia la damacsaneed inay ku qaado fariisamaha Al-Shabaab ku leeyihiin Koofurta Somalia sida Baraawe iyo Ceelbuur.

Amniyaatka Al-Shabaab oo adeegsanaya Maleeshiyo beeleedyo ay daaha gadaashiisa ka maamulayaan waxay degaanka KM50 ku diyaariyeen Ciidamo beeleedyo u dhashay beesha Biyamaal kuwaas oo lagu amray inay dadka u dhashay qabiilada kale dilaan ,sidoo kalena dhigtaan Isbaarooyin lacag looga qaado Gaadiidka isticmaalo wadada.
Inkastoo Madaxda Dowladda Somalia badankood laga maamulo Qatar oo aysan ka daacad aheyn dagaalka lagula jira Al-Shabaab hadana Saraakiisha Ciidamadda Ayaa jahawareeray .
Amiirka Al-Shabaab Ahmed Godane ayaa fariintiisii ugu dambeysay ee maqalka wuxuu ku sheegay inay jihaadkooda u marayaan wado kasta oo ay ku gaari karaan ujeedkooda ,ugana guuleeysan karaan Cadowgooda,siduu hadalka u dhigay.
Degaanada Al-Shabaab ka taliyaan kama jiraan colaada beeleed hasse yeeshee Amniyaadka Al-Shabaab waxay guluf ugu jiraan sidii ay tababar iyo hub siin lahaayeen Maleeshiyo beeleedyo taabacsan oo ay beeco wada galeen.
Amiirka Al-Shabaab wuxuu kula heshiiyay Odayaasha beesha Biyamaal inay Shabeelada hoose ka barakiciyaan dhamaan dadka u dhashay beesha Habargidir ,wuxuuna dhinaca kale u balanqaaday inay taageero siinayaan oo aysan wax dhiba u geysan doonin.
Horjoogayaasha Biyamaal oo fulinaya heshiiska ay la galeen Amiirka Al-Shabaab waxay goowrac iyo gumaad kula kaceen dad u dhashay qabiilka Habargidir iyadoo sedex maalin ka hor ay Magaalada Markacadeey ku toogteen nin u dhashay Habargidir oo ku dhashay Magaaladaas,waligiina ka bixin.
Maleeshiyada Biyamaal oo ka amarqaata Gudoomiyahii Degmada Markacadeey Mr Cukaash ayaa waxay weerarkii ugu horeeyay ku qaadeen Sarkaal u dhashay beesha Habargidir  oo ka mida taliyeyaasha Ciidamadda Dowladda Somalia ee gobolka Shabeeladda hoose.
Sarkaalkaas oo lagu magacaabo CabdiSalaan ayey dhaawaceen Maleeshiyada Biyamaal taas oo sababtay inuu dhaco dagaal u dhaxeeyo Biyamaal iyo Habargidir.
Ninkii weerarkaas amray ee Cukaas ayey Dowladda Somalia shaqadii ka eriday isaga iyo ku xigeenkiisa waxaana lagu bedelay booskiisa Mohamed Osman Yarisow.
Maleeshiyaadka Biyamaal ma joojin bartilmaameedsigii dadka u dhashay beesha Habargidir ,waxayna xoog ku qabsadeen Garoonka Diyaaradaha N50,oo ganacsade Axmed Ducaale Geelle Xaaf leeyahay.
N50 ayaa lagu weeraray oo meydkooda la bilqay hasse yeeshee Madaxweynaha Somalia ayaa Ciidamadii Dowladda ku amray inay deg deg uga baxaan.
Madaxweyne Garguurte amarkiisa lama oga inuu yahay mid Dowladda Qatar ka yimid iyo inay Cadaadis saareen Odayaasha beesha Dir hasse yeeshee waxaa muuqato in beesha Habargidir isu diyaarineyso dagaal kala baxa maadama Garoonka uu leeyahay Ganacsade u dhashay beesha Habargidir.
Dowladda Somalia oo aan fahmin in dagaal beeleedyada abaabulayaan Al-Shabaab waxay xilgudashadooda ku dhamaatay baaqyo nabadeed laakiin Beesha Biyamaal marna isma weydiin waxa arrimahaan ka dhalan kara,
Waxgaradka beesha Dir guud ahaan si xora ugu nool yihiin Muqdisho iyadoo aan laga waayin Tereebiyaano ilaa Xamar Jajab sidaas darteed waa arrin suurtagala inuu dulqaadkii beesha Habargidir dhamaaday,
Hadii Habargidir maalin walba dadkooda ay dilayaan Biyamaal maxaa Habargidir ka horjooga inay Biyamaalka ama Dirta joogta Muqdisho ka aargutaan oo kuwa ugu muuqa weyn habeenba mid dilaan?
Ehelada dadkoodii lagu xasuuqay Shabeeladda hoose hadii ay maqlaan Odayaal Dira oo Maleeshiyadii dadkooda dilay ka difaacaya Muqdisho maxaa u diidaya inay qoriga qaataan oo odayaashaas dhegta dhiiga u daraan?
Saraakiil ka tirsan Biyamaalku waxay sheegeen in Habargidir ay sixreen oo aysan aargudan Karin ,waana u muuqataa maxaa yeelay  Odayaal iyo Siyaasiyiin jooga Muqdisho oo Dir u dhashay ama Biyamaala ayaa maalin walba Warbaahinta taagan oo difaacaya Maleeshiyada argagixisada taabacsan ee xasuuqa iyo barakicinta wada?

source: by waagacusub/warbaahin.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:37 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada