Daawo Hooyo u baahan in nolosheeda la badbaadiyo: MUUQAAL NAXDIN LEH

Daawo Hooyo u baahan in nolosheeda la badbaadiyo: MUUQAAL NAXDIN LEH

daajis.com:-Hooyo Sacdiyo Cabdinuur waxaa haleelay cudur xag rabi ka yimid oo sababay in lugteeda bidix ay u barartay si aan caadi aheyn, waxayna gebtay iney caruurteeda haysan weyday.

Muuqaal naxdin badan oo kugu beerayo murugo iyo xanuun ayaa laga soo qaaday Hooyo Sacdiyo oo 35 sano jir ah kaasoo muujinaya culeyska iyo kororka bararka lugteeda bidix oo loo sheegay in ay u baahan tahay qaliin dibada ah, gaar ahaan Yurub, maadaama ay wax ka qaban waayeen isbitaalada ugu waaweyn dalalka Kenya iyo Itoobiya oo ay tagtay.

Nasiib wanaag waxaa aqbalay in qaliin caalami ah uu ku sameyn doono isbitaal ku yaal dalka Ingriiska, hase ahaatee dhaqaale looga baahan yahay, mana awoodo in ay bixiso.

Walaalaheeda Soomaaliyeed ayey ka codsatay iney ku taageeraan qof walbo wixii uu awood u leeyahay si loo badbaadiyo nolosheeda, maadaama xanuunka haayo uu yahay mid aan loo adkeysan karin.

Waxay sheegtaa in caruurteeda ay mar walba macsalaameyso, ayna aaminsan tahay iney u dhiman doonto haddii aan waxba laga qaban xaaladeeda, waxaa xusid mudan in caruurta ay dhashay oo ah wiil iyo gabar ay yihiin yatiin Aabahood ay dileen burcad hubeysan

walal fadlan hadii aad dhaqaale ku caawin karin udoceey inuu ilaah caafimad siiyo.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:40 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada