Dad 30 sano adoonsi loo haystay London

Dad 30 sano adoonsi loo haystay London

Adoonsiga ayaa laga mamnuucey dunida.
daajis.com:-Dalkan Britain waxaa damiin lagu sii daayay lamaane loo haysto inay 30 sano adoonsi ku haysteen 3 haween ah koonfurta London.
Arrintan ayaa xigtay kaddib markii haweenkan laga soo badbaadiyay guri ku yaal koonfurta London halkaas oo ay u muuqato in si qasab ah loogu hayay.
Waxaa la sheegayaa in haweenkan muddada 30-ka sano ay ku sugnaayeen xaalad aad u xun.

Adoonsiga

Urur ka soo horjeeda adoonsiga ayaa ka qeyb qaatay sii daynta haweenkan

Saddexdan haweenka ayaa ka soo kala jeeda dalalka Britain, Ireland iyo Malaysia.




Ururka ayaa sheegay in saddexda haweenka ah ay murug ka muuqato, laakin ay soo kabsanayaan.
Lamaanaha arrintan loo soo xiray ayaa la sheegayaa in aanay u dhalan dalka Britain.
Urur ka soo hor jeeda adoonsiga oo ka qeyb qaatay sii daynta haweenkan ayaa sheegay in gabadha ugu yar ay haatan markii ugu horreysay dibedda u soo baxday.

source:BBC
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:09 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada