Daawo Sawirada:- Xarunta Golaha Shacabka Oo Dib U Habeyn Lagu Sameeyey iyo Kuraas Casri ah oo loo dhigay Xildhibaanada..

Daawo Sawirada:- Xarunta Golaha Shacabka Oo Dib U Habeyn Lagu Sameeyey iyo Kuraas Casri ah oo loo dhigay Xildhibaanada..

daajis.com:-Ku simaha Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ahna Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa kormeerkiisa waxaa ku wehliyey XIldhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaana uu u kuurgalayey sida ay usoo dhamaatay howl dib u habeyn ah oo lagu waday xarunta Golaha Shacabka gaar ahaanna hoolka ay ku shirayeen Xildhibaannada Golaha Shacabka oo iyadu lagu waday howl dib u habeyn ah oo aad u ballaaran.

Howlaha dib u habeynta ah ee lagu waday xarunta Golaha Shacabka ayaa waxaa ka mid ahaa bedelid gebi ahaanba la bedelayey kuraastii ay ku shirayeen Xildhibaannada Golaha Shacabka ayadoo howshan dib u habeynta ahna ay soo socotay todobaadkii aynu kasoo gudubnay,waxaana dib u habeyntan fuliyey Injineerro Soomaali ah oo ay caawinayeen quburro Ajaaniib ah.

“Golaha shacabka waxaa farxad weyn u ah inay noosoo gebagebowday howlo dib u dayactir ah oo lagu waday xarunta Golaha Shacabka waa Alle mahadii iney howshii dib u dayactirka aheyd ee aynu ku wadnay xarunta Golaha Shacabka ay noogu soo gebagebowday si wanaagsan,waxaan doonayaa inaan shacbiga Soomaaliyeed ogeysiiyo in dhaqaalaha ku baxay howsha dib u dhiskan aysan dibad ka imaan oo dowladda Soomaaliya ay bixisay dhaqaalahaasi islamarkaana laga muumalay miisaaniyadii Golaha Shacabka”ayuu yiri ku simaha Gudoomiyaha Baarlamaanka ahna Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad.

Tallaabadan dib u habeynta ah ee lagu sameeyey xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay qeyb ka tahay istiraatiijiyad guud uu gudoonka Baarlamaanka u dejiyey dib u dhiska iyo ballaarinta xarunta Golaha Shacabka ayadoo mar hadii lasoo gebagebeeyey howshanna ay si rasmi ah u bilaaban doonaan todobaadka soo socda howlihii Mudaneyaasha Baarlamaanka.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com











Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:09 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada