Dadkoo dhan haduu kaluumeysato noqdo yaa loo kaluumeynayaa?

Dadkoo dhan haduu kaluumeysato noqdo yaa loo kaluumeynayaa?

daajis.com:- Qaab wanaaga nolosha aduunyadu waa mid taxane ah oo isku xiran ilaahayna ugu talo galay in lagu kala faa,ideysto, shey kasta oo lakeeno wuxuu u baahan yahay shey kale balse waxaa moodaa in baryahan dadkeenu ey arintaas ka indho la,a yihiin oo maalinkasta la arko in dadku ey ku dhaqaaqayaan hal mihnad halmar taa soo dhaxalsiisa maah maahdii aheyd biyo socdo kuwo fadhiyo bey kiciyaan,


Sida laga fahmi karo ciwaanka qormadeydaba waxaa baryahaan isa soo taraya dabeecada copy yeyenta ama dhaajiska ee qeybaha kala duwan ee ganacsiga , waxaa suuro gal ah in barnaamij shaqsi layimaado isla markaana uu hir galiyo isbuucyo ama bilooyin gudahood waxaa arkeysaa boqolaal copy gareysay isla mashruucii ma xumee in wax la isaga deysado ee waaba isku duminayaan waxaana dhacda in cidna eysan ku caano maalin kadib markii ey tirada ka bataan oo ey suuro gal noqoto in lagu kala haajiro ama albaabada loo laabo
Aan ku hormaree waxaa dhawaan la bilaabay barnamij tagaasida la buufinayo oo hal iyo labo shirkad buufiyeen, hada waxey marayaan in kabadan dhowr iyo toban shirkadood waxey noqdeen kuwo suuqa isku cariiyey oo micno beeley in badan oo mihnadaas ku shaqeysan jirtayna shalay ey ka muujiyeen,waxaa jirtay hal ilaa iy o labo idaacad oo muqdisho ka jiri jirtay waxey hada marayaan 30 sodon shirkadood oo qaarbadan hawada uga baxeen markii ey micno beeshey magaca idaacad, waxaa arkeysaa hal wado oo laga furay in kabadan 35 ama sodon iyo shan hotel aaway dadkaas degaya hoteeladaa, ma dadkaan aabaraha iyo colaadaha ka soo bogsanaya ayaa degaya ? waa su,aal u baahan in la isweydiiyo?!!
Marka ganacsi la bilaabayo waxaa loo bahanyahay in laga fakaro qodobo badan oo ey ka mid yihiin waxa aad fureyso sidee looga baahanyahay meesha? fursad nuucee ah ayaa ka banaan? majiraan waxa kaga horeyey hadii dabcan meeshu ey fursadii ka maqantahay oo shaqadaas ey buuxdo ka wareegso oo mid kale abuur , taas bil cagsigeeda somalidu waxey fiirisaa ninka uga horeyey shaqada iyo sidey ugu socoto bas, tusaale hadii meesha hotelo badan ka furanyihiin maa isweydiisid maxey hoteeladaan u baahanyihiin sida qudaarta hilibka iyo waxyaabaha kale ee fursadu ka banaan tahay intaad meel tobon hotel ka furantahay and aad kii 11 tobanaad ka furu laheyd,, hadii shirkadaha tagaasida lagaaga hormaray maa isweydiisid kaalintii shidaalka tii sparepartska iyo fursadaha kale ee banaan intaad shirkad kale ku soo dareysid, hadaad wax lagaaga horeyey wax kale ku darto adna faa,idi meysid kii kaa horeyeyna cariiri baa galisay
Marka ganaci cusub loo sameynayo survey waxaa la isku jaan gooyaa ganacsiga aad dooneyso in aad hir galiso iyo meesha aad dooneyso in aad ka hir galiso,tusaale pharmacy ayaa rabtaa in aad xaafad ka furto isweydii horta baahi intee la,eg ayaa loo qabaa? Iyo goobaha kaa horeyey ee kajira meesha iyo baahida dadka ma isku jaan go,an yihiin? Hadii baahidu badantahay dabcan waa fureysaa hadiise ey joogto timirtii hore dab loo waa waa in aadan ku deg degin furidiisa ,balse arinta survey ga ganacsi ee maanta somalia laga sameynayo ama muqdishaba taas waa ka duwanyahay, waxaa la fiirsadaa qofka kaaga horeyey sidii ey wax ugu gadmayaan,walaahi ninkaas waa usocotaa yaah? kadib dig mid cusub hadana midkale ilaa ey gaarto in qofkastaa iska bixin waayo kirada iyo korontada ama shidaalka, kadib lagawada duuduubto, taa soo ka baxsan nidaamka abuurida ganacsiga,
Isku soo wada duuboo hadii umadoo dhan kaluumeysato ey noqoto ayaa loo kaluumeynayaa?!! Waayo productiga aad soo saarto wuxuu u bahanyahay consumer, ama cid qaadata marka dadkoo dhan hadey kaluuna la soo baxaan yaa laga gadaaa? Dabcan ilaahay waa noo badiyey kheyraadkeena ee man u kala xeeladeysano intaan mid qura ku xoomi laheyn?!!1
W/Q Hassan Hussein Ahmed, xasan75@hotmail.co.uk
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:17 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada