Soomaalida Addis Ababa oo ugaarsi lagu haayo iyo Safaaradooda oo ficil muujineyn

Soomaalida Addis Ababa oo ugaarsi lagu haayo iyo Safaaradooda oo ficil muujineyn

daajis.com:-Ciidamada amaanka ee dalka Itoobiya ayaa magaalada Addis Ababa, ka wada howlgal lagu qabqabanayo muwaadiniinta u dhashay dalka Soomaaliya, kuwaasi oo xabsiyada la dhigayo, iyadoo aysan jirin dambi loo xero dadkaasi.

Sida ay ku waramayaan muwaadiniin u dhashay Soomaaliya oo diiday in magacyadooda la shaaciyo ayaa waxay sheegeen in tan iyo wixii ka danbeeyay qaraxii xaafada Pole ka dhacay, dadka Soomaaliyeed bartilmaameed u noqdeen ciidamada Booliska oo wadooyinka iyo xaafadaha qaar ka qabqabanaya.

Safaaradda Soomaaliya ee Addis Ababa oo dhaawaan isbadal lagu sameeyay ayaa dadka Soomaalida Addis Ababa rajo ka qabeen in ay noqon doonto Safaarad Soomaaliyeed oo u taagan difaaca iyo ka war qabka dadka ay madasho, hase ahaatee waxay sheegeen dadkaasi in aysan jirin safaarad dadkeeda ka war qabta, xili ay xabsiyada ku dhibaateysan yihiin.

Safiirkii hore ee Safaaradda Saciid Yuusuf ayaa lagu eedeyn jiray Safiir magac u yaal, dadka uu madalana ka war qabin, hase ahaatee Safiirka cusub ee Dowladda u magacowday Axmad C/salaan ayaa wax isbadal ah la imaan, wuxuuna inta badan ku sugan yahay Muqdisho oo olole siyaasadeed uu ka wadaa.

Axmad C/casalaan ayaa la sheegay in uu ku jiro xubnaha u ololeynaya in Ra´iisul Wasaare Saacid sii xejisto kursiga, waxayna warar kale ay tilmaamayaan in Safiir Axmad C/salaan uu ku jirro Wasiirada Saacid u qorsheysnaa inuu ku dhawaaqo ee Madaxweynaha uu ka biyo diiday.

Xaalada cakiran ee ay ku nool yihiin dadka Soomaaliyeed ee doorbiday inay nolol u raadsadaan Addis Ababa iyo kuwa kale ee leemanka dibadaha ku sugaya Addis Ababa ayaa jirin cid u dooda oo ka war qabta xaalada ay ku nool yihiin.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:23 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada