Daawo Sawirada:- Carada ka muuqata R/Wasaaraha Soomaaliya xili uu maanta dhinac fadhiistay Madaxweynaha

Daawo Sawirada:- Carada ka muuqata R/Wasaaraha Soomaaliya xili uu maanta dhinac fadhiistay Madaxweynaha

daajis.com:-R/Wasaaraha Soomaaliya ayaa qarsan waayay carada uu u qabo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmuud oo hada ku qasbaya in uu iska casilo jagada uu haya si loo soo dhiso Xukuumad Cusub.

Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta isku arkay Kulanka Golaha Amniga Qaranka oo ka dhacay gudaha Madaxtooyada waxaana muuqaalo laga soo qaaday ay muujinayeen in R/Wasaaraha oon wajigiisa laga dha dhansaneyn wax farxad ah taa badalkeedana waxaa ka muuqday caro xoogan.

Warar Hoose aan helnay ayaa sheegaya kahor Kulanka Golaha Amniga Qaranka inta aysan isku arkin labada Masuul in ay wada qaateen kulan Xasaasi ah oo ilbaabadu u xirnaayeen kaa oo kusoo dhamaaday natiijo la'aan iyo in lagu kala kaco.

Khilaafka Madaxwynaha Soomaaliya iyo R/Wasaare Saacid ka dhaxeeya ayaa hada u muuqda in uu gaaray meeshii ugusareesay , Madaxweynaha ayaana ku qasbaya R/Wasaaraha in uu is casilo halka Saacid uu isna diidan yahay taasi.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com







Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:26 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada