Daawo Sawirada:- Hormuud Telecom Foundation iyo Jaamacada Banaadir oo dhakhaatiir u diray fatahaadaha Jowhar

daajis.com:-Munaasabad gurmad loogu dirayey dadka ay fatahaaduhu saameyeen ee degan Gobolka Shabeelada Dhexe gaar ahaan magaalada Jowhar ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Waxaa munaasabadaas lagu Sagootinayey Dhaqaatiir iyo arday wax ka barata Jaamacadda Banaadir qeybteeda caafimaadka kuwaasoo ka qeyb qaadan doona hawlaha gurmad caafimaad ee loo sameynayo shacabka magaalada Jowhar iyo nawaaxigeeda ku nool ee ay asiibtay fatahaada webiga Shabeelle.

Mashruucaan waxaa soo abaabulay oo iska kaashaday Mu’assasada Hormuud Telecom Foundation iyo ururka Midowga Ardeyda Jaamacadda Banaadir ee loo yaqaano BUMSA.

Munaasabadaa ayaa waxa ay ka dhacday xarunta Jaamacadda Banaadir, waxaana ka soo qeyb galay, madaxa Hey’adda Hormuud Telecom Foundation, macalimiinta iyo maamulka Jaamacadda Banaadir iyo dhakhaatiirtii iyo ardeydii u ambabixi laheyd gurmadkaa caafimaadka ah.

Mu’assasada Hormuud Telecom Foundation oo ah qeybta qaabilsan xaga horumarinta iyo gargaarka bulshada ee shirkadda isgaarsiinta ee Hormuud Telecom iyo Jaamacadda Banaadir ayaa waxay ugu tala galeen dadka mashruucaan ka faa’ideysanaya inay gaarsiiyaan daawooyin waxtar badan leh oo kala duwan maadaama ay cuduro dilaacaan markay fatahaaduhu dhacaan.

Madaxda Hormuud Telecom Foundation mudane Abdullahi Nur Osman ayaa waxaa uu sheegay inay la garab taagan yihiin dhaqaatiirta fulineysa mashruucaan kaalmo iyo wixii tas’hiilaad ah ee ay u baahan yihiin, ayna ayaga balan qaadayaan dhammaan wixii kharashaad ah ee ku baxaya safarkaan gurmadka caafimaad ee loogu ambabaxay Magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha DhexeMunaasabad gurmad loogu dirayey dadka ay fatahaaduhu saameyeen ee degan Gobolka Shabeelada Dhexe gaar ahaan magaalada Jowhar ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Waxaa munaasabadaas lagu Sagootinayey Dhaqaatiir iyo arday wax ka barata Jaamacadda Banaadir qeybteeda caafimaadka kuwaasoo ka qeyb qaadan doona hawlaha gurmad caafimaad ee loo sameynayo shacabka magaalada Jowhar iyo nawaaxigeeda ku nool ee ay asiibtay fatahaada webiga Shabeelle.

Mashruucaan waxaa soo abaabulay oo iska kaashaday Mu’assasada Hormuud Telecom Foundation iyo ururka Midowga Ardeyda Jaamacadda Banaadir ee loo yaqaano BUMSA.

Munaasabadaa ayaa waxa ay ka dhacday xarunta Jaamacadda Banaadir, waxaana ka soo qeyb galay, madaxa Hey’adda Hormuud Telecom Foundation, macalimiinta iyo maamulka Jaamacadda Banaadir iyo dhakhaatiirtii iyo ardeydii u ambabixi laheyd gurmadkaa caafimaadka ah.

Mu’assasada Hormuud Telecom Foundation oo ah qeybta qaabilsan xaga horumarinta iyo gargaarka bulshada ee shirkadda isgaarsiinta ee Hormuud Telecom iyo Jaamacadda Banaadir ayaa waxay ugu tala galeen dadka mashruucaan ka faa’ideysanaya inay gaarsiiyaan daawooyin waxtar badan leh oo kala duwan maadaama ay cuduro dilaacaan markay fatahaaduhu dhacaan.

Madaxda Hormuud Telecom Foundation mudane Abdullahi Nur Osman ayaa waxaa uu sheegay inay la garab taagan yihiin dhaqaatiirta fulineysa mashruucaan kaalmo iyo wixii tas’hiilaad ah ee ay u baahan yihiin, ayna ayaga balan qaadayaan dhammaan wixii kharashaad ah ee ku baxaya safarkaan gurmadka caafimaad ee loogu ambabaxay Magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com

Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget

share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:38 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada