Qeybo kamid ah Soomaaliya Oo caawa Laga Cabsi Qabo Roobab Wata Duufaano

Qeybo kamid ah Soomaaliya Oo caawa Laga Cabsi Qabo Roobab Wata Duufaano

daajis.com:-Hay’ada Maareeynta Masiibooyinka Putland ayaa digniin ka soo saartay duufaanno ay sheegtay in ay ku soo wajahanyihiin gobollada  Mudug iyo Nugaal.

Maareeyaha guud ee hey’adaasi C/llaahi C/raxmaan ayaa sheegay in digniino wata baqdin ay ka soo gaareen hey’adaha Qaramada Midoobay taasoo ku wajahan dadka deggan dhulka xeebaha ah.

Sidoo kale Maareeyaha ayaa ku wargeliyay dadka ku nool xeebaha Jariiban iyo Eyl in saacadaha soo socda ay ku soo wajahanyihiin dufaanno wata roobab culus.

“Waxaa hadda na soo gaaray in duufan wadata roobab culus ay ku soo wajahantahay Sadexda Fiidnimo ee caawa deegaanka Eyl ayna usoo gudbi doonto Garowe iyo Gaalkacyo’’ Sidaasi waxaa yiri maareeyaha hey’adda Maareynta Masiibooyinka ee Puntland.

Maareeyaha ayaa intaa ku daray in dabeyshaasi 80 kiil mitir ay saacadiiba jareyso wuxuuna shacabka kula taliyay iney feejignaadaan.

xiggasho:laanta

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:37 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada