Daawo Video:- Gabar Soomaali ah oo Wax ka Barata Dalka Czech Republic oo lagu Qasbay in ay Jalbaabka Iska Dhigto!!+ warbixin

Daawo Video:- Gabar Soomaali ah oo Wax ka Barata Dalka Czech Republic oo lagu Qasbay in ay Jalbaabka Iska Dhigto!!+ warbixin

daajis.com:-Gabar Soomaali ah oo ku nool dalkaas Czech Republic ayaa waxaa la sheegay inay soo wajahday dhibaato baaxad weyn ka dib markii loo diiday inay sii wadato waxbarashadeeda ilaa ay madaxeeda soo qaawiso oo ay iska soo dhigto xijaabka ay xiran tahay arintaas oo u cuntami weysay gabahdaas Soomaaliyeed.

Daawo Muuqaalka Saxaafadda Caalamka oo aad ugu hadashay Arinkaas


Gabadhaan Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Nasro oo 23 sano jir ah iyo haweeney kale oo u dhalatey dalkaas Afghanistan oo lagu magacaabo Zelmina oo iyadana da’adeeda lagu sheegay 25 sano ayaa waxaa la sheegay in laga mamanuucay iskool ay wax ka baranayeen oo ku yaala caasimada dalkaas Czech Republic ee Prague ka dib markii lagu xirey inay iska soo dhigaan xijaabka ay ku labisan yihiin ama hadii kale aysan iskoolka cag soo dhigi karin, Gabadhaan Soomaalida iyo haweeneydaas Afghanistaanka ah ayaa waxay baraneyeen iskool caafimaadka ama kalkaalisanimada caafimaadka iyadoona ay gabahdaas Soomaalida oo isku dayday inay wax walba ay sameyso si ay waxbarashadeeda u sii wadato ay suurogal noqon weysay arintaas, Gabadhaas Soomaalida ayaa xataa waxay ogolaatey inay qaadato oo kaliye masar ama gambo ay saarato madaxa si loogu ogolaado waxbarashadeeda laakiin arintaas ayaa waxaa diiday maamulka iskoolkaas oo sheegay inay madaxa soo qaawiso hadii kale aan loo ogolaan doonin waxbarashadeeda iyo guud ahaan islkoolkaas.

Ugu dambeyntiina iyadoo arinta soo wajahday haweenkaas muslimka ay ka gudbiyeen ashtako la xiriirta midab kala sooc iyo in diintooda wax loo dhimaaya ayaa madaxa iskoolkaas haweeneyda lagu magacaabo Ivanka Kohoutov? waxay difaacda go’aankeeda ay haweenkaas muslimka ah ugu diiday iskoolka ilaa ay soo dhigaan xijaabkaas iyadoona sheegtay inaysan wax shaqo ah aysan ku lahayn arintaas midab kala sooc ee ay tahay mid ka mid qaanuunka iskoolka islamarkaana aysan meel wada gali karin kalkaaliso iyo in la qaato xijaabka, Haweenka ayaa hada waxay wadaan dacwad ka dhan ah iskoolkaas iyo sidii dib dambe loogu ogalaan lahaa inay wax ka bartaan iskoolkaas oo ay horey u sii wataan waxbarashadooda. 
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:34 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada