Daawo Sawirada:- Dhismo loo ekeesiiyay Xubinta Taranka Raga oo Muran badan dhaliyay

Daawo Sawirada:- Dhismo loo ekeesiiyay Xubinta Taranka Raga oo Muran badan dhaliyay

daajis.com:-Muuqaal Dhismo Cusub oo laga dhisayo dalka Shiinaha ayaa soo jiitay indhaha Warbaahinta Caalamka ,Dhismahaan ayaana dhaliyay muran xoogan iyo in wax la iska weediiyo qaabka loo ekeesiiyay.

Dhismaha Muranka dhaliyay waxaa iska leh oo loo dhisayaa Wargeyska Dunida ugu weyn oo laga leeyahay Dalka Shiinaha, waxaana dhismahan gacanta ku haya Injineer Shiinees ah oo hada Su'aalo badan kala kulmaya nashqada dhismahan uu u doortay .

Dadweyne badan oo Shiinees ah ayaa eedeemo kala duwan usoo jeediyay Injineerka gacanta ku haya dhismaha Xaruntaasi waxa ayna ku baaqeen in badan oo dadkaasi kamid ah in la joojiyo dhismahan oo loo ekeesiiyay Xubinta Taranka Raga.

Injineerka dhisaya Dhismahan Muranka Dhaliyay ee loo ekeesiiyay Xubinta Taranka Raga oo wax laga weediiyay Nashqadan ayaa naftiisa ku jawaabay su'aalo muran badan dhaliyay oo kasii careesiiyay dadka aan la dhacsaneyn Muuqaalka Dhismahaasi

Wargeysa South China Morning Post ayaa weediiyay Injineerka Dhismahan gacanta ku haya sababta uu ku doortay Nashqada Muuqaalkan muranka dhaliyay? , waxa uuna ku jawaabay in isagu uusan arag waxa la sheegayo balse ay Arkaan Dumarka ayna mudan tahay in wax laga weediiyo Dumarka, Jawaabtan ayaana sii hurisay carada ay dad badan ka qabaan Muuqaalka Dhismahaasi.

Dalka Shiinaha ayaa ah mid ku hormaray Dhisoomyinka Casriga taas ayaana keentay in Injineerada Dalkaasi ay ku tartamaan Nashqado cusub ay isleeyihiin dadka indhahooda ayey soo jiidan karaan.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com





Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:05 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada