Daawo Sawirada:- Guriga R/Wasaaraha Soomaaliya oo Xalay Casho Sharaf loogu sameeyay Sheekh Axmed Madoobe

Daawo Sawirada:- Guriga R/Wasaaraha Soomaaliya oo Xalay Casho Sharaf loogu sameeyay Sheekh Axmed Madoobe

daajis.com:-R/Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa xalay casho sharaf ugu sameeyey hoygiisa Hogaamiyaha KMG ah ee Maamulaka Jubba Sheikh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Cashada ayaa waxaa ka soo qayb galay xubnaha Golaha Wasiirada, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, Xubno ka socda mamula Gobolka Banaadir, iyo Qaar ka tirsan Safiirada Soomaaliya u Fadhiya caalamka.

Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa ku aamaany Hogaamiyaha Jubba go’aankiisii geesinimada lahaa ee ay ku qaateen heshiiskii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo dhabaha u xaaraya in dadka Jubbooyinku ay nabad ku wada noolaadaan.

“Runtii heshiiskii shalay waxaa uu ahaa mid taariikhda ka galay baal dahab ah, una horseedi doona in Soomaalidu arrimaheeda ku xalisato dalka gudihiisa, wuxuuna heshiiskaas dhiiri galinayaan dib-u-heshiisiin guud oo laga sameeyo dhamaan gobolada dalka, taas oo ay Xukuumaddu siinayso ahmiyad gooni ah” ayuu yiri Ra’iisul Wasare Saacid

Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadiisa ayaa dadaal dheeraad ah u galay sidii heshiis buuxa looga gaari lahaa khilaadkii ku dhex jiray dadka Jubbooyinka, taas oo muujinaysa niyad samida ay u hayso dowladdu in Soomaaliya ay ka dhacdo dib-u-hishiisiin dhex marta dhamaan shacabka Soomaaliyeed oo colaado iyo kala qob-qobnaan ku jiray in ka badan 22 sano.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com








Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:07 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada