Daawo Sawirada:- Haweenka Xildhibaanada Turkiga oo Sanado badan kadib bilaabay inay xirtaan Xijaabka

Daawo Sawirada:- Haweenka Xildhibaanada Turkiga oo Sanado badan kadib bilaabay inay xirtaan Xijaabka

daajis.com:-Waxaa markii ugu horeysay lagu arkay xarunta Baarlamaanka Turkiga haweenka xildhibaanada ah oo xiran Xijaabka ama Qimaarka, arrintan oo horey uga mamnuuc ahaan jirtay dalkaasi Turkiga.

Afar kamid ah haweenka xildhibaanada ah ee xisbiga Islaamiga ah APK ayaa lagu arkay Baarlamaanka iyagoo xijaaban, waxayna taasi muujineysaa isbedalka lagu sameeyey sharuucda dalkaasi Turkiga, walow xisbiyada Cilmaaniga ah ay arrintan si weyn uga soo horjeedaan.

Horaantii bishii lasoo dhaafay ee Oktober ayaa Raysalwasaaraha Turkiga Tayyib Erdogan shaaciyey isbedalada lagu sameeyey dastuurka dalkaasi oo horey u mamnuuci jiray in xarumaha dowlada lagu arko astaamaha islaamka ama diinta.

Markii ugu danbeysay oo gudaha Baarlamaanka Turkiga lagu arko haween xijaaban ayaa ahayd 14 sano kahor xiligaasi oo xildhibaanada lagu magacaabo Merve Kavakci oo sidoo kale heysata dhalashada Maraykanka ayaa xiligii la dhaarinayey soo xiratay xijaab, arrintaasi oo 14 sano kahor buuq weyn dhalisay, isla markaana keentay in dhalashadii Turkiga laga xayuubiyo xildhibaanadaasi hore.

Dib usoo nooleynta Boqortooyadii Cismaaniyiinta
Turkey-failed stateXisbiya Calmaaniga ah ee Turkiga ayaa ku tilmaamay maamulka xisbiga Islaamiga ah ee Erdogan uu hogaamiyo mid burbur ku keenaya dalka Turkiga, iyadoo saxaafada taageerta xisbiyada Cilmaaniga ah ku tilmaameen Tayyib Erdogan hogaamiye doonaya dalka Turkiga inuu burburo sida dalka Soomaaliya, sida ka muuqata sawirkan oo laga qaaday xafladii todobaadkan ka dhacday magaalada Marmaray oo laga dhisay tareen dhulka hoostiisa mara.

Hogaamiyaha Turkiga ayey mucaaridkiisa ku eedeeyeen inuu doonayo inuu noqdo Sultaan lamid ah kuwii hogaamin jiray Boqortooyadii Cismaaniyiinta.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com





Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:26 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada