daawo sawirada:- Musharax Awaare oo Si wayn lagu soo dhaweeyay Dalka Suudaan

daawo sawirada:- Musharax Awaare oo Si wayn lagu soo dhaweeyay Dalka Suudaan

daajis.com:-Musharax Cali Cabdi Awaare oo maalmihii lasoo dhaafay safaro dibada ah ku maqnaa ayaa gaaray wadanka Suudan.

Waxaana garoonka Dayuuradaha  ku soo dhaweeyay  Ardayda Puntland ee wax ka barata Suudan Safaaradda Soomaaliyeed ee Suudan  iyo qeybo ka mid a bulshda Ku dhaqan Khartoum.

Mr.Awaare oo salaan qaaday qaar ka  mid ah  xubnihii soo dhaweeyay  ayaa aad uga mahad celiyay soo dhaweynta loogu sameeyay Khartoum.

Taageerayaasha Awaare oo sitay darees ay ku xardhanaayeen sawirada Musharaxa ayaa ruxayay calanka Jamhuuriyada Soomaaliya iyo kan Puntland,waxa ayna ku dhawaaqayeen hal ku dhigyo loogu soo dhaweynayay wadankan Suudan.

Awaare ayaa jaaliyadda Puntland ee Suudan  kaga warbixiyay sababaha uu u yimid wdanka Suudaan iyo xaaladda guud ee deegaanada Puntland,isagoo sidoo kale ka hadlay wax qabadkiisa 5- sano ee soo socota hadii uu ku guulleysto Madaxtanimada Puntland.

Ugu danbeyn qaar ka mid ah taageerayaasha Musharaxa oo warbaahinta lahadlay ayaa  dareenkooda Ku aadan soo dhaweynta Musharaxa Cabiray.

Cali Cabdi Aware waxaa uu Ka mid yahay Musharixiinta ugu cad -cad  Puntland  waxa uu xillal ka soo kala qabtay  xukuumadihi  C/llahi Cabdullaahi Yuusuf  iyo Cade Muuse

Musharaxaan ayaa waxa uu tartar xoogan ugu jiraa madaxtinimadda Dowlada Puntland,iyadoona lagu wado maalmaha soo socda inuu dib ugu noqdo Deegaanada Puntland.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com













Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:54 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada