Maxaa Kala Heysta Caawa Kooxaha Waa Weyn Ee Barcelona Iyo AC Milan Oo Camp Nou Ku Balansan?

Maxaa Kala Heysta Caawa Kooxaha Waa Weyn Ee Barcelona Iyo AC Milan Oo Camp Nou Ku Balansan?

daajis.com:-Barcelona ayaa dooneysa inay sii dheereysato 22ka kulan ee aan laga badinin marka ay caawa Camp Nou ku marti qaadayaan kooxda AC Milan.

Kooxda reer Catalans ayaa ku bilaabatay si aad u fiican xilli ciyaareedkan, iyagoo horyaalka La Liga hogaanka u haya ka dib 11 kulan oo ay badiyeen 12 kulan oo la ciyaaray, waxa ay sidoo kale hogaanka u hayaa Group H Champions League iyagoo leh 7 dhibcood ka dib seddex kulan oo la ciyaaray.
Macalinka cusub Gerardo Martino ayaan waliga laga badinin tan iyo intii uu Barcelona hogaanka u qabtay, waxaana guuldaradii ugu danbeysay ee kooxda soo gaarta ay aheyd bishii May markaasoo ay ka badisay Bayern Munich.
Barcelona ayaa shan dhibcood ka sarre mari doonta Milan haddii ay badiyaan kulanka caawa.
Qaab ciyaareedkoodii ugu danbeysay ayaa ah mid fiican inkastoo abaar dhanka goolasha ay heyso Messi oo dhaliyay kaliya hal gool shantii kulan ee ugu danbeysay.
Messi ayaa dhaliyay afar gool oo Champions League xilli ciyaareed ah oo ay ku jirto seddexleey uu ka dhaliyay kulankoodii ugu horeysay ee wareega group-yada kooxda Ajax.
Taasna waxa ay aheyd markii afaraad oo uu seddex gool hal kulan ka dhaliyo Champions League, waana rikoor uusan dhigin ciyaaryahan kale, waxaana ay aheyd seddexleydiisii 24aad ee uu u dhaliyo Barcelona.
Jonathan dos Santos oo dhaawac jilibka qaba, Jordi Alba, Ibrahim Afellay iyo Isaac Cuenca ayaa ka maqnaanaya kooxda Barcelona caawa.
Milan oo kaalinta labaad kaga jirta Group H islamarkaana leh shan dhibcood ka dib seddex kulan oo la ciyaaray ayaan badinin shantii kulan ee ugu danbeysay ee ay soo booqdeen Spain, iyagoo guuldarro ay dhawaan ka soo gaartay Fiorentina oo 2-0 kaga badisay sabtidii, waana natiijo keentay in Milan ay u dhacdo kaalinta 11aad ee Serie A.
Kooxda Massimiliano Allegri ayaa durbaba 19 dhibcood ka danbeysa kooxda hogaanka u heysa Serie A ee Roma.
Rossoneri ma aysan badinin hal kulan oo ka mid ah kulamadii ay martida ahaayeen xilli ciyaareedkan iyagoo laga badiyay seddex islamarkaana barbaro galay afar.
Daafaca Mattia De Sciglio ayaa ciyaaray kulankiisii ugu horeysay tan iyo bishii October, laakiin weeraryahanada Stephan El Shaarawy iyo Giampaolo Pazzini ayaa dhaawac ahaa in muddo ah.
Daafac kale Daniele Bonera ayaa ku soo laabtay tababarka ka dib dhaawac jilibka ah uu ku maqnaa.
Kulanka kale ee Group-ka kooxda kaalinta 3aad ku jirta ee Celtic oo leh 3 dhibcood ayaa u safri doonta kooxda ugu hooseysa group-ka ee Ajax oo leh kaliya hal dhibic seddex kulan ay ciyaareen.
Waqtiga La Ciyaarayo Kulamadan:
Barcelona v AC Milan – 10:45pm SGA
Ajax v Celtic – 10:45pm SGA
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:44 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada