Daawo Sawirada:- Qowmiyadaha sii dabar go'aya ee dunida

Daawo Sawirada:- Qowmiyadaha sii dabar go'aya ee dunida

daajis.com:-Waa dhaqamada qowmiyadaha dhifka ah ee soo haray oo ay ka mid tahay qabiilka Kazakhs oo ku nool galbeedka Mongooliya. Dadkan waxay ku nool yihiin ugaarsiga duurjoogta.

Qowmiaydda Papua, waxay degan yihiin jasiiradda labaad ee ugu weyn dunida. Halkaas waxaa kula nool 70 qowmiyadood, intooda badan xiriir ma leh, oo waxay ku nool yihiin daafaha buuraha.

Dadkan waxay ku nool yihiin mid ka mid dh dhulka ugu qabow dunida. Mararka qaar heerkulku yahay (-40). Halkan waxaa deggan dad gaarayo 60,000 oo ruux oo la qabsaday qabowga.

Dalka New Zealand waxaa ku nool dad asalkooda ka soo jeeda Yurub iyo dadkii loogu yimid dalka ee loo yeqaanno Maori. Wejiga ayaa laga calaamadeeyaa ragga, iyadoo lagu kala aqoonsanayo ninka dagaalyahanka ah iyo kan kale.

Dadka reer baadiyaha ee Argentina, waxay kolba meel ka degaan dhulka cawska badan, ma jirto cid kale oo ay aqoonsan yihiin ama ay ka dambeeyaanna.

Geeska Afrikana waxaa ku nool qowmiyado xoola dhaqato ah oo halis ugu jiro in dhulkooda lala wareego maadaamma ay magaalooyinkii fidayaan. Qowmiaydda Mursi, ee ku nool koonfurta Itoobiya ayaa ka mid ah.

Vanuatu - waa dhul ka kooban 80 jasiiradood, oo caan ku ah dhulgariirka. Qowmiyadaha halkan deggan waxay aad u qiimeeyaan dhulka, waxaana uu qeyb ka yahay dhaqankooda.

Qowmiyadaha reer baadiyaha ee deggan Ruushka, waxay ka soo horjeedaan horumarka, waxay leeyihiin waxaa uu la tegayaa dhulka daaqsinka u ah xoolahooda.

source:BBC
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com










Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:50 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada