Dowladda oo xertay Gabar Wariye ah oo sheegtay in la kufsaday, wariyihii wareystay & Milkiilaha Radio Shabelle

Dowladda oo xertay Gabar Wariye ah oo sheegtay in la kufsaday, wariyihii wareystay & Milkiilaha Radio Shabelle

daajis.com:-Ciidamada DFS ayaa xabsiga dhigay Gabar Wariye ah oo sheegtay iney kufsadeen 2 kamid ah Wariyayaasha Radio Muqdisho, iyo Wariye Wareystay kana soo duubay Muuqaal lagu baahiyay Barta Youtube-ka.

C/raxmaan Cusmaan Yariisoow, oo ah afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya, ayaa Al-jaziira u sheegay, in Ciidamada DFS ay xireen Gabar lagu magacaabo Faadumo C/qaadir Xasan oo sheegtay ineey kufsadeen Wariyayaal ka tirsan Raadiyaha Qaranka, iyo Wariye Maxamed Bashiir, oo ah Wariyaha ka qaaday Wareysiga, islamarkaasna ka tirsan Idaacada Shabelle, sidoo kale waxay Ciidamada DFS xireen Milkiilihii Idaacada Shabelle, C/maalik Xasan.

Eng. Yariisoow, ayaa sidoo kale sheegay in Gabadha sheegtay in la kufsaday iyo Wariye Maxamed Bashiir la xiray Arbacadii lasoo dhaafay, islamarkaasna ay Su’aalo weydiinayaan Ciidamada DFS.

Muuqaal laga duubay Gabadhaan, ayaa waxaa lagu faafiyay Barta Youtube-ka, ayaa waxay sheegtay ineey kufsadeen 2 kamid ah Wariyayaasha Radio Muqdisho, kuwaasoo lagu kala magacaabo (C/casiis Afrika iyo Jibriil), waxay sheegtay in lagu handaday Bistoolad islamarkaasna ay kufsadeen.

Afhayeenka Madaxtooyada Eng. Cismaan Cumar Yariisoow, ayaa sheegay in Gabadhaan si qasab ah uu Wariye Maxamed Bashiir uga duubay Muuqaalka lasoo galiyay Barta Youtube-ka.

Qareen u hadlay Gabadha sheegtay in la kufsaday iyo Wariyaha xiran, ayaa sheegay in maalmaha soo aadan Maxkamad lasoo taagi doono.

Ciidamada DFS ayaa Bishii lasoo dhaafay Albaabada isugu dhuftay Idaacada Shabelle, kadib markii lagu amray ineey isaga Guurto dhismaha ay dagantahay, oo ah dhismo Doowladeed.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:37 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada