DAAWO SAWIRRO:- Iskuulaad Muqdisho laga furay iyo maalinta Macallinka oo la xusay

DAAWO SAWIRRO:- Iskuulaad Muqdisho laga furay iyo maalinta Macallinka oo la xusay

daajis.com:-Maanta oo ku asteysan 21-ka November, oo ah maalinta Macallinka Soomaaliyeed ayaa si weyn looga xusay magaalada Muqdisho, iyadoo munaasabadaasi ay barbar socotay munaasabad kale oo lagu furayay Labo Iskuul oo waaweyn, kuwaasi oo wax ku baran doona Kumanaan caruurta Soomaaliyeed.

Ugu horeyn munaasabad dib loogu furayay Iskuulka Macallin Jaamac ee ku yaal degmada Xamar Weyne iyo 21 November oo degmada Howlwadaag ku yaal ayaa xariga laga jaray, kuwaasi oo dib dhis iyo dayactir ay ku sameysay Hay'adda Concern.

Munaasabadaasi ayaa waxaa kasoo qeybgalay Wasiirr kuxigeenka adeega bulshada Maxamuud Macallin Yaxye, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Mas'uuliyiin kale oo u badan bahda waxbarashada.

Dhinaca kale munaasabad lagu xusayay maalinta Macallinka Soomaaliyeed ayna kasoo qeybgaleen mas'uuliyiinta wasaaradda adeega bulshada ayaa lagu qabtay Muqdisho, halkaasi oo laga jeediyay qiimaha Macallinka Soomaaliyeed uu leeyahay iyo sida muhiim u tahay in caruurta Soomaaliyeed lagu hormariyo dhinaca waxbarashada. 

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda horumarinta adeega bulshada Maxamuud Macalin Yaxye oo ka hadlay munaasabadda ayaa dhiiro galiyey dowrka maclimiinta Soomaaliyeed ee waxbarista ubadka, isagoo sheegay in dowladda ay muhiimad gaar ah siineyso macalimiinta isku dhabar jabiyay wax barista ubadka soomaaliyeed.

Wasaaradda adeega bulshada ayaa bilowday mashruuc lagu hormarinayo waxbarashada ubadka Soomaaliyeed oo lacag la´aan ah, kaasoo ay ugu magac dartay Aada Dugsiyada.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com











Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:44 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada