Obama oo 16 Qof gudoonsiiyay Biladda Xuriyadda+Sawiro

Obama oo 16 Qof gudoonsiiyay Biladda Xuriyadda+Sawiro

daajis.com:-Mid ka mid ah Madaxweynayaashii soo maray Mareykanka , John F. Kennedy, ayaa biladan hirgeliyay 50 sanadood muddo haatan laga joogo, si loogu abaal mariyo, dadka kaalimaha lama ilaabaanka ah ka qaata amaanka iyo danaha qaran ee Mareykanka, nabadgelyada aduunyada, iyo sidoo kale shaqsiyaadka muuqda ee u dhaq dhaqaaqa xuquuda aadanaha iyo cadaaladda.

Dadkii sanadkan biladan qaaliga ah la gudoonsiiyay waxaa ka mid ah madaxweynihii hore ee Mareykanka Bill Clinton, haween fanaanad ah oo caan ku ah heesaha miyiga ee mareykanka, Loretta Lynn, haweeney kale oo u dhaq dhaqaaqda xuquuqda dumarka Gloria Steinem iyo haweneyda iska leh barnaamij caan ah oo telefishinada mareykanka ka baxa, Oprah Winfrey.

Mr. Obama ayaa sheegay in dadka biladan la gudoonsiiyay sanadkan ay yihiin dad leh heybad qeyrul caadi ah, isagoo ugu yeeray, rag iyo dumar huwan Qiyamka mareykanka, quluubtoodana ku weyn.

Sadex ka mid ah 16 qof ee la gudoonsiiyay abaal marintan ayaa loo aqoonsaday iyagoo mootan.

Sawirada Shaqsiyaadka uu Obama gudoonsiiyay Biladda Nabadda:















_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:14 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada