Daawo Sawirada:- R/Wasaare Saacid oo Maanta Booqday Hotelka Maka Al-Mukarama iyo Goobo kale oo Muhiim ah

Daawo Sawirada:- R/Wasaare Saacid oo Maanta Booqday Hotelka Maka Al-Mukarama iyo Goobo kale oo Muhiim ah

daajis.com:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdi Farax Shirdoon “Saacid”ayaa booqasho ku soo kala bixiyey, qaar ka mid ah iskuulaadkii ay dib u howlgalisay Wasaaradda Horumarinta Adeega Bulshada, kuwaas oo qayb ka ahaa barnaamijkii la magac baxay Aada Dugsiyada, Hotel Maka-Almukarama oo qarax lala beegsaday habeen hore, iyo Isbitaal Madiina oo ay ku jiraan dhaawacyada dadkii ku wax yeeloobay qaraxii Maka-Al-Mukarama.

Ugu horantii Ra’iisul Wasaaraha ayaa koormeer ku tagay mid ka mid ah Iskuulada ay dib u howl galisay Wasaaradda Horumarinta Adeega Bulshada oo qayb ka ahaa barnaamijka Aada Dugsiyada, kaas oo ay ka fa’idaysanayaan Caruur gaaraysa ilaa hal milyan.

“Waxaa naga go’an in aan la dagaalanno jahliga iyo fursad la’aanta waxbarsho ee haysata dhalinyarada iyo caruurta Soomaaliyeed.


Waxaa la sheegaa in 65% aysan Caruurtu helin waxbarasho, waxaana dadaalkayagu yahay in aan hoos u dhigno qiyaastaas, sidaas daraadeed Xukuumaddu waxa ay hirgelisay barnaamijkii ugu horreeyey oo noociis dalka laga hirgeliyey oo loo bixiyey Aada Dugsiyada , kaas oo hal malyan oo Caruur Soomaaliyeed ah ay dib ugu noqonayaan waxbarashada asaasiga ah”Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid oo dhanka kale sheegay in Xukuumaddu ay markii ugu horreeysay dib u hawlgelisay macalimiintii iyo iskuuladii dowladda, waxaana dayactir lagu wadaa xarumo badan oo waxbarasho iyadoo dhowaana la furayo Jaamacaddii Ummadda.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqday Isbitaal Madina oo lagu dabiibayo dadkii ku wax yeeloobay qaraxii ka dhacay Hotel Maka Al-Mukarama. Ra’iiusl Wasaaraha ayaa war bixin ka dhagaystay Maamulka Isbitaal Madiina, , wuxuuna Ra’iisul Wasaaruhu u rajeeyey dadka dhaawca qaba in Ilaahay siiyo caafimaad taam ah, isgoona u tacsiyeeyey Qoysaskii ay dadku uga geeriyoodeen. “Alshabab waad u jeedaan in aysan u kala socnayn shacab iyo dowlad, taasi waa mida ka muuqata dhaawacyada yaala Isbitaalka oo dhamaan tood ah dad shacab” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqday goobtii uu qaraxu ka dhacay ee Hotel Maka-Al-Mukarama, isagoona u muujiyey in dowladu ay aad uga xuntahay khasaraha soo gaaray Hoteelka, wuxuuna Ra’iisul Wasaaruhu ku dhiiri galiyey Maamulka Hotelka inaysan dib uga noqon horumarka iyo maalagashiga ay dalka ka wadaan, waxaa sidoo kale warxbixin ka siiyey dhibaatada soo gaartay Hotelka Milkiilaha oo sheegay inaysan cabsi galinaynin in ay hor istaagaan ganacsigooda qaraxyada noocaan oo kale ah, wuxuuna uga mahadnqay booqashada uu ugu yimid Ra’iisul Wasaaraha.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com










Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:59 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada