Daawo Video:- Booliiska Talyaaniga oo xabsiga dhigay nin Soomaali ah oo lagu eedeeyay in uu waday dooni ku degtay jasiirada Lampedusa!!

Daawo Video:- Booliiska Talyaaniga oo xabsiga dhigay nin Soomaali ah oo lagu eedeeyay in uu waday dooni ku degtay jasiirada Lampedusa!!

daajis.com:-Booliiska dalka Talyaaniga ayaa waxaa la sheegay inay xabsiga dhigeen nin Soomaali ah oo lagu soo eedeeyey inuu ka mid ahaa koox burcad muqalasiin ah oo soo tahriibisay dooni ku degtay jasiirada Lampedusa ee dalkaas Talyaaniga oo ayna ku dhinteen dad ay tiradoodu gaareyso ilaa iyo 366 qofood oo Soomaali iyo Eriteriyaan isugu jirey. 


Ninkaan Soomaaliga ah oo magaciisa lagu sheegay Cilmi Maxamuud Muxudiin oo 24 sano jir ah oo lala qabtey nin u dhashay dalkaas Falastiin oo lagu magacaabo Attour Cabdalmenem oo asagana ku eedeysnaa inuu ka mid ahaa kooxdaas Ninkaan Soomaaliga ayaa waxaa la sheegay inay booliiska dalka Talyaanigu ay gacanta ku dhigeen ka dib markii uu si qaxootinimo ah uu ku soo galay dalkaas Talyaaniga iyadoona ay garteen dadkii ka badbaaday doontii ku degtay jasiiradaas ee kula jirey xerada qaxootiga ee ninkaas la geeyey ka dibna ay ku wargaliyeen booliiska oo xabsiga u taxaabay ninkaas Soomaaliga ah, Ninkaan Soomaaliga ah oo la sheegay inuu ka mid ahaa burcad muqalasiin ah oo dadkana jirdil iyo kufsi iyo qafaalasho u geysan jirtey xero ku taala magaalada Sabha ee dalkaas Liibiya inteysan soo saarin doonida tahriibka ee ay ugu soo kicitimaanka wadamada Yurub gaar ahaana dalkaas Talyaaniga. 

Ugu dambeyntiina iyadoo ninkaas Soomaaliga ah lagu soo eedeeyey inuu ka mid ahaa rag burcad ah oo ka ganacasada tahriibinta dadka islamarkaana jirdil, kufsi iyo qafaalasho ay madax furasho ku weydiisanayaan u geysan jirey dadka tahriibayaasha ah ayaa gabar 17 sano jir ah oo u dhalatey dalkaas Eriteriya oo ka mid ahayd dadkii bar aqoonsaday ninkaas Soomaaliga ah markii uu iska soo dhiibay jasiirada Lampedusa waxay sheegtay in rag uu ku jirey ninkaas ay u geysteen kufsi iyo jirdil ka dib markii ay xilli habeenimo ah ay kala baxeen goobtii ay jiiftey, Booliiska iyo qolyaha amaanka ee dalkaas Talyaaniga ayaa waxay baadi goob ugu jiraan koox burcad ah oo lagu qiyaasy ilaa iyo kontomeeyo qofood oo ka macaasha tahriibinta dadka isku soo biimeeya safarkaas qatarta ah ee dhinaca bada. 
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 09:31 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada