Daawo Video:- Saxaafadda Caalamka oo aad ugu hadashay in Dalka Angoola laga mamnuuco ku dhaqanka diinta Islaamka!! +Warbixin

Daawo Video:- Saxaafadda Caalamka oo aad ugu hadashay in Dalka Angoola laga mamnuuco ku dhaqanka diinta Islaamka!! +Warbixin

daajis.com:-Dalka Angoola ayaa waxaa la sheegay inuu noqday dalkii ugu horeeyey aduunka oo laga mamnuuco ku dhaqanka diinta Islaamka iyadoona la sheegay in la burburin doono gebi ahaanba masaajida ku yaala dalkaas Angoola. 


Dalka Angoola oo ah dal ku yaala Koonfur Galbeed ee qaarada Afrika ayaa waxaa la sheegay inuu noqday dalkii ugu horeeyey aduunka oo laga mamnuuco diinta Islaamka, Sida ay dhawaantaan shaacisay wasiirada dhaqanka ee dalkaas Angoola haweeneyda lagu magacaabo Rosa Cruz e Silva in gebi ahaanba la xiraayo oo albaabada la isugu dhufanaayo hadii loo baahdana la burburinaayo dhamaan masaajida ku yaala dalkaas oo ay ku tilmaantey kuwo sharci daro ah oo aan sharciga dalkaas waafaqsanayn, Sidoo kale ayey haweeneydaasi waxay ku tilmaantay diinta Islaamka mid ka hor imaanayso dhaqanka iyo caadada soo jireenka ah ee uu leeyahay dalkaas Angoola iyo diintooda Kirishtaanka ah , 

Ugu dambeyntiina iyadoo dhamaan dalalka aduunka ay la yaabeen falkaan la yaabka leh ee ka soo yeeray dalkaas Angoola ayaa waxaa arintaas dafirey oo kuna tilmaamay si xun wax u fahan dibolumaasi u dhashay dalkaas Angoola oo lagu magacaabo Joaquim Ganga, Ninkaan ayaa waxaa uu sheegay inay arintaan tahay wax kama jiraan asagoona ku macneeyey in mamnuucidaasi ay tahay mid ku meel gaar ah oo loola jeedo inay dadka muslimiinta ay sharciyeeyaan masaajidooda, Sidoo kale ayuu diblomaasigaas waxaa uu gebi ahaanba meesha ka saaray in islaamka kaliya la beegsaday asagoona sheegay in sharcigaan uu quseeyo dhamaan diimaha aan sharciyeysneyn ee ka jira dalkaas Angoola, Dalkaas Angoola oo tirada dadkiisu ay yihiin ilaa iyo 20 malyuun oo qofood ayaa ku dhawaad 500 oo kun oo kaliya waxay yihiin muslimiin iyadoona masaajida ku taala dalkaas lagu qiyaasay ku dhawaad 80 masaajid sida ay sheegeen muslimiinta dalkaas, Bishii Oktoobar ee sanadkaan ayaa muslimiinta ku nool degmada Viana Zango oo ka tirsan caasimada dalkaas ee Luanda waxay ku baraarugeen minaarada masaajidkooda oo dhulka la dhigay iyadoona ay dowlada dalkaas aysan arintaas ka hadlin waxna aysan ka qaban. 
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:53 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada